Somaliland oo shaacisay kiisas hor leh oo Covid-19 ah

wasiirka caafimaadka sl

Xukuumada Somaliland ayaa goordhoweyd shaacisay in deegaanadeeda laga helay dad hor leh oo qaba cudurka dunida ku faafay ee Coronavirus ama Covid-19.

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka JSL ayaa shaaciyay in sadex qof oo cusub laga helay xanuunk COVID-19, kuwaasi oo ku kala nool magaalooyinka Hargeysa iyo Boorama.

Xukuumada ayaa sheegtay in labo kiis ay yihiin caasimada magaalada Hargeysa, halka midka kalena uu yahay magaalada Boorama ee gobolka Awdal.

Tirada kiisaska cudurkaasi ee Somaliland ayaa noqoneysa 5-Kiis, xilli tirada guud ee Soomaaliya ay noqoneysa 28-Kiis, midaasi oo cadeyn u ah xawliga uu gudaha dalka ugu dhex faafayo cudurkaasi.

Cudurka Coronavirus ayaa u muuqda mid halistiisu ay ka taagan tahay gudaha Soomaaliya, xili ay magaalada Muqdisho ugu geeriyoodeen Labo ruux, oo midkood ahaa Mas’uul ka tirsan maamulka Hir-Shabelle.

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka JSL ayaa shaaciyay in sadex qof oo cusub laga helay xanuunk COVID-19.1 qof oo Boram ah2 qof oo Hargaysa ah.

Slået op af Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka JSL i Mandag den 13. april 2020

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here