Somaliland oo toogasho ku fulisay 6 qof iyo magacyada

astaanta somaliland

Ciidamada Somaliland ayaa saaka xukun dil toogasho ah ku fuliyey lix nin oo lagu eedeeyey inay horey dilal uga geysteen maamulkaasi.

Lixda nin ee toogashada lagu fuliyey saaka oo Khamiis ah ayaa waxaa horey xukun dil ah ugu riday maxkamadaha Somaliland oo la horgeeyey marar kala duwan.

Sidoo kale waxaa saxiixay dilkooda madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, iyada oo ugu dambeyn lagu fuliyey xunkunkaasi waxaana lagu toogtay fagaare ku yaalla duleedka xabsiga deegaanka Mandheera gobolka Saaxil.

Waxaa sidoo kale goobjoog ahaa mas’uuliyiin ka tirsan Somaliland, ehelada dadka la dilay iyo kuwa wax dilay.

Lixda qof ee la toogtay ayaa waxa ay kala ahayeen:- 1- Yaasiin Maxamed Yuusuf, 2-Sharmaarke Sahal Oogle, 3- Quulle Maxamed Cilmi, 4- Khaalid Cabdi Xaydar, 5- khadar Maxamed Warsame iyo 6- Cabdikariim Maxamed Mahdi.

Dhinaca kale ehellada qaar ka id ah ragga la toogtay ayaa muddooyinkii la soo dhaafay ka cabanayey in si sharci darro ah loo xukumay raggaasi. Falka toogashada ah ee Somaliland ku fulisay lixdaan qof ayaa noqonaya kii labaad inta la xasuusto taariikhda casriga ah, waxaana aheyd markii sidan oo kale 15-kii bishii January ee sanadka 2020-ka xabsiga weyn ee Mandheera loogu toogtay lix nin oo iyana lagu eedeeyey inay dilal ka geysteen gobollada Sool, Sanaag, Maroodi-Jeex iyo sidoo kale Gabilay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here