Somaliland: Siyaasiyiin iyo ganacsato kufsi lagu helay oo si qarsoodi loo sii daayey

Gg xuquuqul insaanka Maxamuud Baaruud

Guddoomiyaha guddiga xuquuqul insaanka Somaliland Maxamuud Baaruud oo warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa sheegay inay jiraan siyaasiyiin iyo ganacsato lagu helay inay geysteen kufsi, kuwaas oo la iska sii daayey.

Waxa uu sheegay in dadkaas xabsiyada looga siidaayo in uusan ku dhicin xukun maxkamadeed, halka dadka danta yar ee aan laheyn cid u dooda loo maxakamdeeyo dembiyada ay galeen, sida uu sheegay guddoomiye Maxamuud Baaruud.

Hadalkan ayuu ka jeediyey munaasabad lagu xusayey tacadiyada haweenka iyo dadka nogul oo ka dhacday magaalada Hargeysa, isagoo sheegay in siideynta dadka ladan ay ka qeyb qaataan wasiirrada iyo mas’uuliyiinta kale ee dowladda.

“Waayahan waxaa soo batay dumarka inta la kufsado hadana la dilayo, waxaa kaloo badan dadka tujaarta ah iyo kuwo madax ah oo lagu helay inay ku kaceen dembiyadaas, iyagoo maxkamad xukumin in la sii daayey, marka maxkamadeheenu waxay xukumaan dadka jilicsan, bal u fiirsada dadka xabsiyada ku jira, waa kuwii jilicsanaa ee aan qareenka qabsa karin” ayuu yiri Maxamuud Baaruud.

Isaga oo sii hadlayey ayuu yiri, “Ninkii ladan ee qareen qabsa kara dembi laguma qaado, waxaad arkeysaa xildhibaano iyo wasiirro ka daba ordaya, cid walba waxay daba carareysaa qofkaas ladan, waa la sii daayaa dembina laguma qaado.”

Sidoo kale guddoomiye Maxamuud Baaruud ayaa baarlamaanka Somaliland ka dalbaday inay soo saaraan xeer adag oo looga hor tago kufsiga iyo dilka lagula kaco haweenka oo ku soo batay deegaanada Somaliland.

Hoos ka Daawo

https://www.facebook.com/watch/?v=801102717338434

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here