Somaliland: Wasiir Koore oo loo bedelay Wasaaraddii uu jeclaystay ee Warfaafinta

wasiir koore

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa Wasiirkii hore ee Biyaha Somaliland Saleebaan Yuusuf u bedelay wasaaraddii uu jeclaystay ee Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka.

Wasiir Koore ayaa loogu taag waayey inuu saxaafada ka baxo oo uu shaqaddii Wasaarada Biyaha ku ekaado, isagoo siyaabo aan munaasib ahayn mararka qaarkood uga jawaaba siyaasada guud iyo isbedeladda socda.

Madaxweyne Muuse ayaa maanta garowsaday inuu u bedelo Wasaaradii uu jeclaystay ee Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here