“Somaliland waxa loo kala qeybsaday REER REER ee sharcigu ha shaqeeyo”

suldaanka guud sl maxamed

Suldaanka guud ee Beelaha Isaaq, Suldaan Maxamed Cabdiqadir ayaa maanta sheegay in Somaliland loo qeybsaday qaab reer reer ah, isla markaana loo baahan yahay in sharciga uu shaqeeyo.

Suldaan Maxamed Cabdiqaadir ayaa ka dhawaajiyey in loo siman yahay nidaamka dowliga ah, haddii midaasi badalkeeda dhacdana ay Somaliland u horseedi doonto dagaal sokeeye oo cawaaqib xun.

Suldaanka ayaa Madaxda ugu sareysa Somaliland ugu baaqay inay wax ka badalaan qaabkaasi oo uu sheegay in reeraha lagu kala qeybiyo, midaasi oo abuureysa xaalad nabad-galyo daro, sida uu hadalka u dhigay.

Suldaanka oo arrimahaasi ka hadlayana waxa uu yiri “Dalka reer reer baa loo qaybsaday, ee Dawladdu sharciga ha ku shaqeeyso, Madaxda Somaliland ka talisa waxaanu ka codsanayaa inay nidaamkaas bedelaan, Xukunka iyo Xukuumaddaba waa loo siman yahay, laakiin haddii Xukuumaddu dadkii kala kaxayso waxay soo wadaa waa dagaal sokeeye”.

“Madaxda iyo Hoggaanka dalka waxaan kula talinayaa inay ka feejignadaan inay sabab u noqdaan dagaal sokeeye oo dalka ka dhaca, reerahana lagu kala qaybiyo ee danta dadku waxay ku jirtaa nabadgalyada”.

Wuxuuna intaas kusii daray “Haddii wax nabadgalyo daro ah la abuurayo, cidda abuuraysa waa inay joojisaa, Somaliland-nimadana iyo wadaniyadana waa in la ilaaliya, oo wax laga heshiin karo aan la iskaga dhigin wax culus”. Xukuumada Somaliland ayaa inta badan waxa lagu dhaliila inay reero gaar ah ku taxdo xilalka u sareeya, midaasi oo beelaha qaar ee dega deegaanadeeda u horseeday inay abuuraan Jabhado ka dhan ah oo kasoo horjeed maamulkooda,

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here