Soo dhaweynta Deni iyo Axmed Madoobe oo Muqdisho laga dareemayo

Deni iyo Madoobe

Magaalada Muqdisho waxaa maanta oo Talaado ah laga dareemayaa soo dhaweynta madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland oo saacadaha soo socda ku soo wajahan.

Amniga Muqdisho ayaa aad loo adkeeyay, waxaana la xiray waddooyinka muhiimka ah ee isku xira garoonka diyaaradaha iyo madaxtooyada sida waddada Makka Al-Mukarrama, waxaana gaafwareegaya ciidamo ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya oo wata gaadiid dagaal.

Sidoo kale garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho ayaa laga dareemayaa soo dhaweynta madaxweynayaasha Siciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Madoobe, waxaana ku sugan madax ka tirsan labada gole ee dowladda federaalka iyo qeybaha kala duwan ee bulsahda.

Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland oo ka soo kala duuli doona Garowe iyo Kismaayo, waxaa la socda wufuud kala duwan oo ka tirsan labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya iyo mas’uuliyiin ka tirsan labada dowlad goboleed.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullahi Deni ayaa safarkani u yahay kii ugu horreeyay ee Muqdisho ku tago tan iyo markii loo doortay 8-dii Jannaayo 2019.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here