Soomaali badan oo lagu laayey Dawlad Degaanka Soomaalida Itoobiya

calanka kilinka 5aad

Wararka naga soo gaaraya ismaamulka Soomaalida Itoobiya ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay dagaal u dhexeeyey Soomaalida iyo Canfarta uu ka dhacay halkaasi.

Dagaaalka ayaa yimid, kadib markii koox ka tirsan Canfarta ay weerar gaadma ah ku soo qaadeen Soomaali xoolo dhaqato ah oo ku sugneyd deegaanka Alaale oo hoostaga maamulka Jigjiga.

Ugu yaraan 14 Qof oo Soomaali ah ayaa ku dhintay dagaalkaasi, halka ay ku dhaawacmeen ku dhowaad 10 kale.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in deegaanka Alaale ay la wareegeen Canfarta, halkaas oo horay ugu sugnaayeen xoolo dhaqato.

Ma jiro weli wax war ah oo ka soo baxay ismaamulka Soomaalida Itoobiya oo la xariira dagaalkaasi.

Xaaladda ayaa hadda kacsan, iyadoona xiisad u dhexeysa Soomaalida iyo Canfarta laga dareemayo halkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here