Soomaali lagu tuhmayo inay maalgaliyeen afduubkii Silvio Romano oo la qabtay

Silvia Constanca Romano3

Ciidamada ammaanka Talyaaniga ayaa gacanta ku dhigay afar dhalinyaro ah oo looga shakisan yahay iney maal-galiyeen afduubkii sanadkii 2018 loo geystay Silvia Romano.

Qoraal kasoo baxay dacwad oogayaasha ayaa lagu sheegay in dadkan ay maal-geliyeen kooxda Al-Shabaab oo afduubatay Silvia, iyo kooxda ONLF ee dalka Itoobiya.

Afarta dhalinyarada ah laba ka mid ah waa Itoobiyaan halka labada kale ay yahiin Soomaali, saddex ka mid ah waxaa da’dooda lagu sheegay 23-jir halka midka mid ah oo 29-jir ah xabsi guri lagu galiyay magaalada Milan oo ay dagan tahay Silvia.

Xabsiyo ku kala yaalla magaalooyinka Nuoro, Cagliari iyo San Vittore ayaa lagu xiray, waxaana la fahamsan yahay in ciidamada u tababaran la dagaalanka argagixisada ay dhalinyaradaas su’aalo ka weydiin doonaan kiiska.

Warbixinta waxey sidoo kale sheegeysaa in goobahii laga soo qabtay dhalinyarada laga helay caddeymo muujinaya lacagahii ay direen, sidoo kale waxaa la baahiyay iney gobollo badan u safreen si ay lacago ugu aruuriyaan kooxda Al-Shabaab.

Intaas kaliya laguma soo koobine, sidoo kale warbixinta waxaa lagu sheegay iney lacago u aruurin jireen ururka xoreynta ogaadeeniya (ONLF), lacag ka badan 10,000 (Toban kun) oo yuuro ayey direen, sida la sheegay.

Baarayaasha kiiskaan waxey sheegeen in lacagahaas loo diray wadamada Soomaaliya iyo Itoobiya, islamarkaana lagu iibiyay hub.

Bishii May 2019 ayaa lasoo qabtay ragaan la tuhunsan yahay, waxaana la filayaa iney maxkamad kasoo muuqdaan dhawaan. Wakaaladda wararka talyaaniga (ANSA) ayaa faafisay magacyada shaqsiyaadka la tuhunsan yahay, waxayna kala yihiin (Isidiin Axmed, Cabdiqani Cusmaan, Saciid Maxamed iyo Rashiid Dubbad).

Silvia Romano oo mar dambe la baxday (Caa’isha) waxey heshay xoriyadeeda inta lagu jiro sanadkaan kadib 18-bilood oo ay gacanta ugu jirtay kooxahii ka qafaashay gudaha Kenya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here