Soomaali sanado badan kadib kamid noqdey golaha deegaanka magaalada Torino

0
Cabdullaahi Axmed Macalin

Magaalada Torino ee dalka Talyaaniga, ayaa markii uggu horreysay muddo dhan labaatan sano, waxaa golaheeda deegaanka kamid noqdey qof Soomaali ah, oo la yiraahdo Cabdullaahi Axmed Macalin, oo u tartamay, kuna guuleystay jagadan.

Cabdullaahi ayaa sheegay inuu ku dadaali doono sidii uu wax ugu qaban lahaa dadka soo galootiga, maadaama ay heystaan dhibaatooyin fara badan.

Wuxuu tilmaamey Cabdullaahi iney ka codsadeen inuu tartanka doorashada ka qeyb galo xisbiga uu katirsan yahay ee Dimuqraadiga, isagoo xusay in dadka soo galootiga iney u dhaxeyso kala qeyb sanaan weyn.

Cabdullaahi ayaa dalka Talyaaniga ku galey tahriib sanadkii 2008-dii, isagoo markuu dhalashada dalkani qaatey, isku dayey inuu galo siyaasadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here