Soomaaliya iyo Qatar oo si wada jir ah u diiday bayaan ka dhan ahaa Turkiga

astaanta soomaaliya

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa iska diiday inay qeyb ka noqoto warsaxaafadeed ka dhan ahaa dalka Turkiga oo ka soo baxay ururka Jaamacadda Carabta.

Bayaanka oo ahaa mid lagu cambaareynayey Turkiga, gaar ahaan howlgalka uu ka wado gudaha Syria ayey dowladda Soomaaliya iska diiday inay ka mid noqoto.

Sidoo kale waxaa Bayaankan ka horyimid dowladda Qatar oo iyana iska diiday inay ka mid noqoto Warsaxaafadeedka ka dhanka ahaa Turkiga.

Turkiga ayaa ka mid ah dalalka sida u dhow u taageero dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, isaga oo mashaariic kala duwan ka fuliya magaalada Muqdisho

Waxa kale madaxda iyo shacabka Turkiga lagu xasuustaa, sida ay sanadihii ugu dambeeyey u garab istaageen shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.

Dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa horay u gaartay go’aanno culus oo la xariira xiriirka arrimaha dibadda, sida midkii dhex dhexaadnimada ah ee ay ka qaadatay khilaafka wadamada Khaliijka Carbeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here