Soomaaliya iyo Rwanda oo kala saxiixday heshiis la isugu furayo hawada labada dal

wasiirada somaliya omar iyo rwanda Gatete

Dowladaha Soomaaliya iyo Rwanda ayaa kala saxiixday heshiis la isu furayo hawada labada dal si loo sahlo ganacsiga labada dal

Soomaaliya ayaa waxaa heshiiska u saxiixay Wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada Maxamed Cabdulaahi Salad halka dowlada Rwanda uu u saxiixay Wasiirka Kaabayaasha Claver Gatete.

Wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada Maxamed Cabdulaahi Salad ayaa aad u soo dhoweeyay horumarka uu gaaray dalka Rwanda isagoo ku tilmaamay in heshiiskan uu xoojin doono ganacsiga labada dal

“Aad ayaan idinkugu hanweynahay adinkoo dagaalo sokeeye iyo xasuuq ka soo kabatay haatana heer wanaagsan aad gaarteen,waxaan rajeynayaa in arrintan ay noqon doonto tallaabadii ugu horeysay ee dhinaca ganacsiga labada dal ay hore u qaadeen,”ayuu yiri Wasiir Salad.

“Waxaan hubaa in dhowaan aad arki doontaan ganacsato badan oo Soomaali ah kuwaasoo ku qulqulaya dalkiina si ay u maalgashtaan,adinkana waxaan idinka rajeyneynaa in ganacsatadiina ay Soomaaliya yimaadaan,”ayuu sii raaciyay Wasiirka gaadiidka Soomaaliya.

Sidoo kale Wasiirka Kaabayaasha dalka Rwanda Gatete ayaa sheegay in heshiiskan uu yahay kii boqolaad oo ay dalal caalamka ka tirsan la saxiixatay dowlada Rwanda, uuna rajeynayo in albaabo ganacsi oo cusub u furo labada dal.

Dalka Soomaaliya ayaa marba marka ka dambeeya waxa uu gaarayaa horumar dhinaca xiriirka dalalka caalamka ee dhinaca isgaarsiinta hawada iyadoo diyaarado laga leeyahay wadamada Kenya, Jabuti, Turkey, Qadar, Uganda iyo Ethiopia ay duulimaadyo ku yimaadaan garoonka caalamiga ah ee Aden Cadde magaalada Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here