Soomaaliya maxay la tageysaa shir madaxeedka Midowga Afrika?

farmaajo africa japan1

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shir madaxeedka 33-aad ee Midowga Addis Ababa ka furmay la tagtay arrimo badan oo quseeya nabadda, siyaasadda, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada.

Furitaanki shirkaasina Madaxweynaha Masar C/fataax Siisi oo ahaa guddoomiyihi hore e midowga Afrika ayaa xilka Guddoomiyanimada ku wareejiyey Madaxweynaha Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa.

Soomaaliya maxay la shir tageysaa?

Soomaaliya waxay ka mid tahay dalalka heer madaxweyne uga qayb galay Shir madaxeedka Mudowga Afrika ee ka furmay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Madaxweyne Max’ed C/llaahi Farmaajo oo shirkaasi ka qayb galayna wuxuu kulamma gaargaar ah la qaatay madaxda waddama ay ka midka yihiin Norway, Canada, Suudaan, South Suudaan iyo Jamhuuriyadda Jabuuti.

Wuxuuna madaxweynaha uu madaxda waddamadasi uu kala hadlay sidi ay u xoojin lahaayeen xiriirka iskaashi ee ay Soomaaliya la leeyihiin sidi loo xoojin lahaa.

Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ee Federaalka Soomaaliya Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad oo BBC u warramay wuxuu sheegay “shir ka qayb galkiisa inuu muhiimad gaar ah u leedahay Soomaaliya dunidana ay ku ogaaneyso Soomaaliya heerka ay mareyso iyo dhibaatooyinka jira, garab istaagga ay Soomaaliya caalamka ugu baahan tahay garab istaaggaasi oo noqon kara mid dhaqaale, mid siyaasadeed iyo mid bulsho.”

“Soomaaliya arrimaha ugu weyn oo ay shirkan kaga hadleyso ka sokoow in xaaladdeeda la ogaado waxaa ka mid ah in dadka Soomaaliyeed noolashooda kor loo qaado, dalalkana lagu martiqaado iney Soomaaliya maalgashadaan, in loo sheego Soomaaliya in deyn cafiski u soo dhaw yahay waddamada qaarna la weydiisto iney garab istaagaan iyada oo waddamada qaar ee horay Soomaaliya u soo garab istaagayna looga mahadceliyo. Norway oo kale iney Soomaaliya ka kaalmeyso Amniga iyo la dagaallanka aragagixisada ayaa ka mid ah waxyaabaha lagala hadlay.” ayuu yiri Wasiir Cawad.

“Madaxweynaha Uganda, Ra’isal wasaaraha Itoobiya, madaxweynaha Nigeria iyo Madaxweynaha Ruwaanda madax ay ka mid yihiin oo shir madaxeedkan ka soo qayb galay ayaa u qorsheysan madaxweyne Farmaajo inuu kulammo gaar gaar ah uu la yeesho” ayuu yiri Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ee Federaalka Soomaaliya Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad oo BBC u warramay.

Halku dhigga shir madaxeedka

Shir Madaxeedka 33-aad ee Midowga Afrika ee sanadkan 2020 waxaa halku dhig looga dhigay ‘Aamusinta Qoriga’ oo loola jeedo in la joojiyo dagaallada iyo isku dhacyada.

Waxaana Shir mdaxeedka ka soo qayb galay in ka badan 30 madaxweyne, ra’isal wasaarayaal iyo 7 wasiirro arrima dibadeed.

Halku dhigga shir madaxeedka Midowga Afrika ee sanadkan
Halku dhigga shir madaxeedka Midowga Afrika ee sanadkan

BBCSOMALI

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here