Soomaaliya oo diiday ergeyga sare ee Midowga Afrika uu soo magacaabay

John Dramani Mahama ergey afrika

DF Soomaaliya ayaa warqad ay u dirtay Midowga Afrika, waxay ku diiday in uu John Mahama oo maalmo ka hor loo magacaabay Ergayga gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya in uu xilkaas qabto, waxayna sheegtay in aan Soomaaliya looga baahneyn, sida lagu cadeeyey warqad ay dirtay wasaaradda Arimaha dibada ee Soomaliya.

Dawladda Faderaalka ayaa ku eedeysay in John uu xariir dhaw la leeyahay Madaxda dalka Kenya, oo ay isku hayaan dawladda Faderalka arrimaha la xariiro Madax banaanida gudaha Soomaaliya.

DF Soomaaliya, ergayga waxay sheegen in aan lagala tashan oo aan la marin nidaamka Diblumaasiyadda iyo sharuucda Midowga Afrika ee magacaabida xubnaha diblumaasiyadda.

John, ayaa horey looga soo eryay dalka Sierra Leone , markii lagu eedeeyey in uu faragaliyey arrimaha doorashoyinkaas dalkaas, xiligaas oo uu hogaan u ahaa Guddi kasocday Kormeryaasha Doorashooyinka ee Ururka Barwaaqo-Sooranka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here