Soomaaliya oo guddoontay qalab loogu talagalay baarista COVID-19

Foosiyo Abiikar Nuur

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka XFS ayaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ku guddoomay agab loogu talagalay in lagu baaro Caabuqa Coronavirus oo uu ku deeqay Aas-aasaha Shirkadda Alibaba ee Shiinaha kasoo jeeda.

Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya Qin Jian ayaa wareejiyay qalabkaan, waxa uu ballanqaaday in Xukuumadda Beijing ay garab taagan tahay Dhiggeeda Muqdisho, isaga oo shaaciyay in agab caafimaad ay soo wadaan.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka XFS Maxamed Siciid Cabdullaahi ayaa sheegay in qalabka lagu wareejiyay in uu muhiim u yahay ol-olaha kahor tagga iyo wax ka qabashada caabuqa COVID-19.

Jack Ma oo ah Aas-aasaha Alibaba ayaa dalalka Afrika ee uu haleelo Caabuqa Coronavirus u qoondeeyay deeq caafimaad si ay wax ugu qabtaan kahor tagga iyo daweynta dadka uu ku dhaco COVID-19.

Gargaarka waxaa qayb ka ah qalabka dadka looga baaro caabuqa Corona iyo qalabka ay isticmaalaan dhaqaatiirta ka howlgala xarumaha caafimaad iyo goobaha lagu baaro dadka looga shakiyo Coronavius.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa 18-kii bishaan ku deeqday $5 Milyan si wax looga hortago Coronavirus oo kiis kamid ah laga helay Soomaaliya 16-kii bishaan Maarso, waxaana Dowladda ay sheegtay in ay dadaal xoogan ugu jirto sidii looga hortagi lahaa faafidda Covid-19.

COVID-19.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ayaa safiirka Shiinaha ee Soomaaliya kala wareegay Qalab Caafimaad Oo Qeyb Ka Qaadanaya Kaho tagga Faafitaanka COVID-19.

Slået op af Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed i Tirsdag den 24. marts 2020

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here