Soomaaliya oo hadashay dhulgariirka ku dhuftay bariga Turkiga iyo Somalia ku dhimatay

rw Kheyre

Dowladda Faderaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay Dhulgariir fiidnimadii Jimcaha ka dhacay Bariga dalka Turkiga kaas oo ay ku dhinteen in ka badan 20 Ruux,halka dhaawacuna gaaray Boqolaal.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa dowladda Turkiga uga tacsiyadeeyay dhibaatadii ka dhalatay dhul gariirkii ka dhacay gobalka Elazig ee Bariga Turkiga.

“Mudane Xasan Cali Kheyre oo khadka Taleefoonka kula xiriiray madaxweyne ku-xigeenka Turkiga, Fuat Oktay, ayaa u muujiyay sida dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay uga tiiraayoonayaan dhibaatadii ka dhalatay dhul Gariirka” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Xafiiska wasiirka 1 aad ee Xukumada Muqdisho.

“Ra’iisul Wasaaraha ayaa u rajeeyay dadka waxyeeladdu kasoo gaatay dhul gariirka in si dhaqsa leh ay ku bogsadaan” Ayaa lagu soo xiray warka ka soo baxay Xasan Xasan Cali Khayre Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha dibadda xukuumada Soomaaliya Axmed Ciise Cawad, oo dhankiisa qoraal soo dhigay bartiisa Twitter-ka, ayaa tacsi u diray ehelada dadka dhintay dhulgariirkaasi.

“ALLE soo kabasho degdeg ah ha siiyo dadka kale ee waxyeeloobay,” ayuu ayuu yiri wasiirka arimaha dibada Soomaaliya Axmed Ciise Cawad.

In ka badan 20 ruux ayaa ku geeriyootay Dulgariirka oo laga dareemay magaaladda Sivrice ee gobolka bariga waddankaas ku yaala ee lagu magacaabo Elazig.

Sidda ay sheegtay Hay’adda ka hortaga Musiibooyinka, waxaa ku dhaawacmay dhulgariirka ku dhawaad Kun ruux.

Macluumaadyo horudhac ah ayaa muujinaya in burburka maaliyadeed ee ka dhashay dhul-gariirka uu aad u badan yahay.

Soomaaliya iyo Turkiga ayaa sanadihii u dambeeyay lahaa xiriir wanaagsan oo dhanka diblumaasiyadda ah, waxaana xukuumada Ankara ay haatan dalka ka wadaa mashaariicyo horumarineed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here