Soomaaliya oo hal shuruud ku xirtay dadka ka imaanaya dalka dibaddiisa

garoonka muqdisho adan cade2

Hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda Soomaaliya ayaa maanta war cusub ka soo saartay dib u furista duulimaadyada caalamiga ah ee dalka.

Qoraalka hay’adda ayaa lagu sheegay in beri oo Isniin ah dib loo furayo duulimaadyada dibadda, iyada oo la fulinayo go’aankii ka soo baxay Golaha Wasiirada Soomaaliya.

Sidoo kale hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda Soomaaliya ayaa shuruud ku xirtay dadka kala duwan ee ka imaanaya dalka dibaddiisa, waxaana ay shaacisay in qof walba laga rabo inuu heysto shahaado caddeyneysa in uusan qabin cudurka faafa ee COVID-19, taas oo uu qofka qaatay ugu badnaan 72 saacadood ka hor, inta aanu safarka soo gelin.

Waxa kale oo ay hay’addu ugu baaqday shirkadaha ka shaqeeya duulimaadyada inay macaamiishooda ku wargeliyaan siyaasadda cusub ee lagu xakameynayo COVID-19.

Si kastaba ha’ahaatee Golaha Wasiirada ayaa 30-kii July shaaciyey in dib loo furayo duulimaadyada dibadda oo hakad loo geliyey Coronavirus dartiis.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here