Soomaaliya oo ka laabatay qoraalkii ay kasoo saartay dagaalka Gobolka Tigray-ga

w arimaha dibada cawad2

Dowladda Soomaaliya ayaa dib ugu laabtay qoraal horey uga soo baxay wasaaradda arrimaha dibedda oo ay taageero ugu muujisay dowladda Ethiopia oo dagaal kula jirta xisbiga TPLF ee maamula gobolka Tigray ee dalkaas.

Qoraalkaas, oo lasoo dhigay bogga website-ka rasmiga ah ee wasaaradda iyo sidoo kale cinwaanka twitter-ka ee wasaaradda ayaa lagu yiri “Soomaaliya waxay xaqiijineysaa inay ku garab taagan tahay dowladda Ethiopia ee uu hoggaamiyo ra’iisul wasaare Abiy Ahmed ilaalinta nidaamka dastuuriga ah iyo midnimada dhuleed ee Ethiopia.”

Si kastaba saacado kadib qoraalkaas ayaa laga saaray twitter-ka iyo bogga wasaaradda, waxaana kadib qoraal soo saaray wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo lagu beeniyey qoraalka hore.

Qoraalka oo uu Cawad soo dhigay cinwaankiisa shakhsiga ah ee twitter ayuu ku yiri “Waxana caddeynayaa inuusan jirin qoraal rasmi ah oo kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibedda oo ku saabsan xaaladda Ethiopia. Qoraalka la wareejinayo ma matalo aragtida dowladda Soomaalioya, sidaas darteed ma ahan mid sax ah.”

Inkasta oo wasiirka uu beeniyey sax ahaanshaha qoraalka, haddana ma uusan sheegin sababta qoraal aan sax ahayn loogu soo dabaacay website-ka iyo twitter-ka rasmiga ah ee wasaaradda.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in sababta qoraalka looga laabtay ay tahay dalab ka yimid xukuumadda Ethiopia, oo lasoo hadashay xukuumadda Soomaaliya, taasi oo dalbatay qoraal kasii adag midka la tiray, oo dad badan la yaabeen sida Soomaaliya u taageertay dagaal ka dhex socda dal kale gudihiisa.

Inkasta oo Soomaaliya ay qoraalka si cad ugu sheegtay inay la safan tahay xukuumadda Abiy Ahmed, haddana Abiy ayaa la sheegay inuu kasoo horjeestay qeyb qoraalka ka mid ah oo ku baaqaya in xiisadda wada-hadal lagu dhameeyo, wuxuuna u arkay qoraal dabacsan.

Abiy ayaa la sheegay inuu doonayo taageero buxuda, oo aan la socon wax baaq wada-hadal ama nabad ah, waxaana la filayaa in dowladda Soomaaliya ay soo saarto qoraal kasii adag midka ay tirtay, taasi oo ku tuseysa heerka awoodda uu Abiy uu ku leeyahay dalkeenna.

Hoos ka arag qoraalka Soomaaliya ee la tiray iyo sawir aan ka qaadnay bogga twitter-ka 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here