SOOMAALIYA OO KA QEYB GASHAY SHIRKA GOLAHA WASIIRRADA CADAALADDA JAAMACADDA CARABTA

wasiirada cadaalada carabta

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Xuseen Xaaji iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa magaalada Qaahira ee dalka Masar uga qeyb galay kulanka 35-aad ee Golaha Wasiirrada Cadaaladda Jaamacadda Carabta.

Ajandaha shirka ayaa waxaa ka mid ahaa ka hortagga dembiyada abaabulan, la dagaallanka musuq-maasuqa,cirib tirka Lacag dhaqista , hab-raaca isu socodka qaxootiga iyo Dadka soo galootiga ah iyo arrimaha la xiriira mideynta sharciyada Dawladaha Jaamacadda Carabta inta suurta-galka ah.

Kulanka waxaa lagu soo dandhigay heshiisyo dhowr ah oo ay leeyihiin Dowladaha Jaamacadda Carabta oo la xiriira qodobbadii laysla soo qaaday.

Intii uu shirku socday ayaa waxaa Guddoonka kulanka la wareegay Wasiirka Cadaaladda ee Dalka Baxreyn. waxaana ku wareejiyay xilka meertada ah Wasiirka Cadaaladda Dalka Suudaan oo Sanadkii hore Guddoonka hayay.

Wasiirka caddaaladda iyo arrimaha garsoorka ,Xasan Xuseen Xaaji ayaa si weyn usoo dhoweeyay qodobbadii shirka layskula soo qaaday, isagoo bogaadiayay qorshaha Dowlada Jaamacadda carabta ay ku doonayaan in ay wax badan wadaagaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here