Soomaaliya oo Masar iyo Ethiopia go’aan dhexdhexaadnimo ka qaadatay dhex-dhexaadin u fidisay

w arimaha dibada cawad2

Dowladda Soomaaliya, ayaa sheegtay in ay go’aan dhexdhexaadnimo ah ka qaatay, khilaafka u dhexeeya dalalka Ethiopia iyo Masar, ee ku salaysan muranka biyaha Webiga Niil-ka.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Ciise Cawad, oo saaka wareysi siinayey  idaacadda Daljir, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay go’aan dhexdhexaadnimo ah ka qaadatay muranka labadaasi dal, islamarkaana aysan la qabin mowqifka dalalka jaamacadda Carabta oo taageersan waddanka Masar.

Wasiir Cawad, ayaa caddeeyay in dowladda Soomaaliya ay dhex-dhexaadnimo u codaysay kulankii waddamada ku midaysan Jaamacadda Carabtu ay kula safteen waddanka Masar oo muranka biyaha Niil-ku kala dhexeeyo dalka Ethiopia.

Sidoo kale, wasiirka ayaa xusay in, haddii loo baahdo Soomaaliya ay door dhex-dhexaadin ah ka ciyaari doonto muranka labada dal ee Ethiopia iyo Masar, balse aysan marnaba si gaar ah ula safan doonin midkoodna.

Danjire Cawad, wuxuu tilmaamay in Soomaaliya ay labada dal ee Masar iyo Ethiopia u gudbisay soo-jeedin ku aaddan in ay miiska wada-hadalka isu’gu keento, si ay u dhex-dhexaadiso murankooda, laakiin aysan weli ka soo jawaabin.

Halkaan ka daawo wareysiga

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here