Soomaaliya oo qoraal ka dhan ah Kenya u gudbisay IGAD iyo go’aan ka soo baxay IGAD

astaanta soomaaliya

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday inay qoraal ka dhan ah dowladda Kenya u gudbisay Ra’iisul wasaaraha dalka Suudaan Cabdalla Xamduuk, oo ah shir guddoonka madaxda IGAD.

Lama soo bandhigin nooca qoraalka ay Soomaaliya ka gudbisay Kenya, balse wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa twitter-keeda ku baahisay qoraalkii loogu soo jawaab celiyey Soomaaliya, kaas oo tilmaamaya in madaxda IGAD la isugu balamiyey shir todobaad kadib ka furmaya Jabuuti, oo arrintan looga hadlayo.

“Iyadoo laga jawaabayo dhambaalka ka dhanka Kenya ee ay Dowladda Federaalka Soomaaliya u gudbisay Mudane Cabdalla Xamduuk, Ra’iisul wasaaraha Jamhuuriyadda Sudan ahna Shir-guddoonka Madaxda IGAD, ayaa Urur goboleedka IGAD waxa uu shir madaxeed ku qabanayaa Jabuuti 20 December,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Arrintaan waxay ku soo aadeysaa iyadoo uu madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi safar ku tegay Nairobi, kadib casuumaad uu ka helay madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta oo Isniinta berri ah ay kulmi doonaan, sida ay shaacisay wasaaradda arrimaha dibadda Kenya.

Dowladda Soomaaliya ayaa horey Kenya ugu eedeysay faro-gelin ay ku hayso arrimaha gudaha Soomaaliya, waxayna dalka ka ceyrisay safiirkii dalkaas, ayada oo u yeeratay safiirkeeda Nairobi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here