Soomaaliya oo shaacisay tallaabo ay qaadeyso ee ka dhanka ah Kenya

un amb Abuukar Baale

Safiirka Soomaaliya ee QM Abuukar Daahir Cusmaan ayaa shaaciyey tallaabada ay qaadeyso dowladdiisa ee ka dhanka ah Kenya, oo uu ku eedeeyey inay xasilooni darro xooggan ka wadda gudaha Soomaaliya.

Khubdad uu u jeediyey Golaha Ammaanka ee QM, ayaa Abuukar Baale waxa uu ku sheegay in dowladda Soomaaliya ay ku qasbanaan doonto inay Kenya u adeegsato Qodobka 35 ee Xeerka QM, taasi oo macnaheedu yahay dacwad rasmi oo caalami ah oo ka dhan ah Kenya.

Qodobka 35 ee Xeerka QM ayaa dalalka xubnaha ka ah QM iyo kuwa aan ka ahaynba siinaya awood ay Golaha Ammaanka ee QM ku horkeenaan xaalad kasta oo loo arko inay helis ku tahay nabadda iyo ammaanka caalamka.

Danjire Abnuukar Baale ayaa sheegay in Soomaaliya “ay adeegsatay tallaabo kasta oo diblomaasiyadeed”, oo ay kula hadleyso Kenya, balse laga quustay.

Danjiraha ayaa Kenya ku eedeeyey inay faro-gelin xooggan ku hayso arrimaha gudaha ee Soomaaliya, ayna ku xadgudbeyso Xeerarka QM, ayada oo ku howlan “ficillo ka dhan ah nabadda.”

“Faro-gelinta cad ee Kenya ay ku hayso arrimaha gudaha ee Soomaaliya, waxa ay si cad ugu xadgudbeysaa madax-banaanida Soomaaliya, sharafta dhuleed, madax-banaanida siyaasadeed iyo midnimada,” ayuu yiri Danjire Abuukar Baale.

“Waxaa intaa dheer ku xadgudubka Kenya ee xuduudda dalka, waxay halis gelineysaa xasiloonida iyo madax-banaanida. Horumarkii aan dhibka ku gaarnay ayada oo Beesha Caalamka ay na caawineyso waxaa maanta halis ku ah ficillada nabadda ka dhanka ah ee dowladda Kenya.”

Danjiraha ayaa sheegay in Soomaaliya ay qaadeyso tallaabno kasta oo ay ku difaaceyso madax-banaanida iyo midnimada dalka, haddii aysan Kenya si deg deg ah u joojin ficilladeeda.

Hadalka Danjire Abuukar Baale ayaa yimid maalmo kadib markii wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya ay shaacisay inay qaadeyso tallaabo ka dhan ah Kenya, haddii aysan deg deg u joojin xadgudubka iyo faro-gelinta ay ku hayso arrimaha gudaha Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here