Soomaaliya oo xiriirka u jartay dalka Guinea-Conakry kadib booqashadii Muuse Biixi

cawad wads2

Dowladda Soomaaliya ayaa xiriirkii deblomaasiyeed u jirtay dalka Guinea-Conakry oo dhaca galbeedka Qaaradda Afrika kadib markii madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu casumaad ka helay madaxda dalkaasi.

Wasiirka Arrimaha debadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo goor dhoweyd shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay dowladdu ay xiriirka u jartay dalka Guinea-Conakry ee ku yaalla galbeedka Afrika kadib markii uu ku xadgudbay Qarannimada iyo wada-jirka jamhuuriyadda Soomaaliya.

Dhinaca kale Golaha wasiirada Somaliland ayaa maanta shirkoodii Khamiislaha ka digay tallaabooyin ay sheegeen in ay qaadday dowladda Soomaaliya oo khatar gelin kara amniga Mandiqadda islamarkaana qalalaase ka abuuri kara Geeska Afrika sida ay hadalka u dhigeen.

Dawladda Somaliland waxa ay ka digaysaa in mamulka muqdisho khatar amni darro iyo qalalaase hor leh ka abuuro manqada geeska afrika oo leh sooyaal taariikh colaadeed oo dheer” ayaa lagu yiri qoraalka.

DAAWO WASIIRKA ARIMAHA DIBADDA:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here