Soomaliand: wasiir koore oo saddex sano gudohood guri qasriya ku dhistay.

Wasiirka warfaafinta somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore ayaa u muuqda saddexdii sano ee uu xilka hayey uu helay hanti aad u fara badan.


Kadib markuu markuu guri qaaliya oo ku kacay ilaa 540 kun oo doolar ka dhistay hargaysa xaafada masalaha.

Wasiirka ayaa dhowaan ku Allabaryey gurigaas taasoo su’aalo badan dhalisay maadaama la filayo in hantidani kasoo jeedo cashuurtii shacabka soomaaliland,oo aanay diiniyan qaadashadeeda iyo isticmaalkeeda banaanayn.

Wasiirka warfaafinta KOORE uma diiwaan gashanayn hanti intaa leeg markuu wasiirka noqonayey,waxayna u muuqataa  inuu mudadii uu xilka hayey ka tabcay hantida dadweynaha.

Waxaana lagu xamanayaa inuu xoog isu daba mariyey mashaariicdii biyaha iyo koofi 19ka. Sidaa muuqatana wuxuu noqonayaa ninka ugu musuqmaasuqa badan xukuumada somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here