Sucuudiga oo hal mar dilay dadkii u badnaa abid taarikhdiisa

saudi flag

Sacuudi Carabiya ayaa xukun daldalaad ah ku fulisay 81 qof oo lagu helay dambiyo isugu jira dil iyo inay ka tirsan yihiin kooxaha mintidiinta , taasoo ah dil wadareedkii ugu ballaarnaa ee boqortooyada laga fuliyo taariikhda casriga ah.

Tirada dadka la dilay ayaa xitaa ka saramartay tiradii dil wadareed bishii Janaayo 1980-kii lagu fuliyay 63-dagaalyahan oo markaasi lagu helay in ay qabsadeen Masjidka Xaramka ee Makka 1979-kii, weerarkaas oo ahaa kii ugu xumaa ee abid lagu bartilmaameedsado boqortooyada iyo goobta ugu barakeysan Islaamka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here