Sucuudiga oo haweenka u fasaxay inay safri karaan muxrim la,aan

rima bint bandar al saud

Dowladda Sucuudi Carabiya ayaa shaaca ka qaaday sharci cusub oo haweenka dalkaas u ogolaanayo inay safri karaan iyagoo uusan la socon qof maxram ah.

Sida ku xusan shariga waxaa uu sidoo kale dhigaya in haweenka Sucuudiga oo ay da’doodu ka sarreyso 21 ay codsan karaan baasaboorka iyagoo maxram la’aan ah.

Sharciga waxaa uu haweenka u fasaxaya inay xaq u leeyihin inay codsan karaan sharciyada dhalashada carruurta, waraqadda guurka.

Waxay arrintani fursad u siineysa haweenka Sucuudiga inay shaqeysan karaan, sida ku xusan sharciga “Dhammaan muwaadiniinta Sucuudiga waxay xaq u leeyihiin inay shaqeysan karaan iyagoo wax gacan-bidxeyn ah aan la kulmin gaar ahaan in wax dhibaato ah loo geysan karin naafada, jinsiyadaha kala duwan ama da’da qofka.

Sannadkii lasoo dhaafay ayay aheyd markii dhaxal sugaha Sucuudiga, Maxamed Bin Salmaan uu meesha ka saaray dhowr xayiraad oo haweenka dalkaasi saarnaa, arrimaha ugu weyn ee uu ku tallaabsaday waxaa kamid in haweenka Sucuudiga loo ogolaado inay baabuurta kaxeyn karaan.

Sannadkii 2016-kii, waxaa uu shaaca ka qaaday qorsheyaal uu isbaddallo dhaqaale uga hirgelinayo dalkaas sannadka 2030-ka kaas oo uga golleeyahay in haweenka boqolkiiba 30 ay ka qeyb qaataan barnaamijyada horumarka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here