Sucuudiga oo sheegay in makhaayadaha ragga iyo dumarka albaabo kala duwan lagu qasbi doonin

mcdonalds

Xukuumadda Sucuudiga ayaa sheegtay in makhaayadaha cuntada aan hadda ka dib lagu qasbi doonin in ay albaabo kala duwan u sameeyaan ragga iyo dumarka.

Waayadii hore waxay ahayd waajib in makhayaayaduhu lahaadaan laba kadin oo mid dumarka iyo qoysaska u gaar yahay mid kalena ragga keligood socda.

Xadidaadaas ayaa beryahan ba iska soo fududaanaysay iyada oo makhaayadaha, gooba lagu qaxweeyo iyo meelaha kale ee bulshadu ku kulantaba aan kala soocidda ragga iyo dumarku kaba jirin.

Isbedellada waawayn ee Sucuudiga ka socda waxa hareer socda cabudhin sii kordhaysa oo ciddii ka soo horjeedsata lagu xidhxidho.

Horraantii sannadkan ayaa digreeto boqortooyo loogu fasaxay haweenka Sucuudiga in ay dalka dibadiisa u dhoofi karaan iyaga oo aan muxrim wadan ogolaanshona uga baahnayn.

Sannadkii 2018-kiina boqortooyadu waxay soo af-jartay tobannaan sano oo aan haweenka loo ogolayn in ay baabuurta kaxeeyaan.

Laakiin dadka xuquuqda madaniga ah u dhaqdhaqaaqaa waxay ka cabanayaan in sharciyo badan oo dumarka takoorayaaa ay weli dhaqa galyihiin.

Dhawar dumar ah oo u dooda xuquuqda haweenka ayaa intii ay xukuumaddu bilowday isbedalladan la xidhxidhay.

Makhaayad Sucuudiga ku taal
Makhaayad Sucuudiga ku taal

Axaddii ayaa wasaaradda dawladdaha hoose ee Sucuudigu sheegtay in aan makhaayadaha hadda ka dib lagu qasbi doonin in ay albaabo kala gaar ah u sameeyaan ragga iyo dumarka. Laakiin ikhtiyaarka ay u leeyihiin dadka meheradahaa lihi in ay iyagu arintaas go’aamiyaan.

Imika ka hor makhaayadaha gudahooda haweenka iyo qoysaska wada socda looma ogolaan jirin in ay ragga is ag fadhiistaan oo meelo gaar ah ayaa u xidhnaa.

Tan iyo intii Maxamed Bin Salmaan loo dallacsiiyey dhaxal sugaha taajka boqortooyada sannadkii 2017-kii waxa uu ku dhiiraday in uu furfuro bulshada Sucuudiga oo muxaafidnimada ku talax tagtay.

Isbedelladiisa waxa amaanay beesha caalamka laakiin waxa ku lamaanaa cadaadis baaxad leh.

Dilkii saxafigii caanka ahaa ee Jamaal Khaashoqji sannadkii 2018 ee lagu dhex dilay qunsuliyadda boqortooyadu ku leedahay Istanbul ayaa dhaleecayn caalami ah u soo jiiday, laakiin madaxda dunida ugu mudan qaarkood oo uu ku jiro Madaxwene Donald Trump ka Maraykanku ayaa taageero aan liicayn la garab joogsaday Sucuudiga.

Saraakiisha Sucuudigu waxay sheegeen in Khaashoqji oo ahaa nin magac leh oo xukuumadda Sucuudiga dhaliila lagu khaarajiyey “hawl gal aan amar loo haysan” oo ay fuliyeen koox ka tirsan nabad sugiddu. Laakiin dad badan oo dhaliila Sucuudiga ayaan rumaysanin arintaas waxaana khabiir Qaramada Midoobay ka tirsani baadhitaankii dilkaa ku soo gabogabeeyey in uu ahaa “dil aan caddaaladda loo marin.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here