Sudan oo xiriir diblomaasiyadeed oo rasmi ah la yeelatay Israel

rw sudan cabdalla xamduuk

Sudan ayaa maanta ogolaatay inay noqoto dalkii ugu dambeeyey ee Carab ah ee xiriir diblomaasiyadeed oo rasmi ah la yeesha Israel, sida uu ku dhowaaqay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.

Imaaraadka Carabta iyo Bahrain ayaa bishii tegtay waxay munaasabad ka dhacday Aqalka Cad heshiis rasmi ah kula saxiixdeen Israel, hase yeeshee xiriirka Sudan ayaa la rumeysan yahay inuu kasii muhiimsan yahay.

Trump ayaa ku dhowaaqay heshiiska ay ogolaatay dowladda rayidka ah ee hal sano jirka ah ee Sudan daqiiqado kadib markii uu si rasmi ah dalkaas ugu saaray liiska dalalka taageera argagixisada.

Trump ayaa qadka taleefonka kula hadlay hoggaanka Sudan iyo ra’iisul wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu.

“Waxaan si deg deg ah u ballaarineynaa garaangarta nabadda adiga oo na hogaaminaya,” ayuu yiri Netanyahu, oo tixraacaya Trump.

“Dalal kale oo badan ayaa xigi doona,” ayuu yiri madaxweyne Trump

Ayada oo qeyb ka tahay heshiiska looga saaray liiska argagixisada, ayaa Aqalka Cad waxa uu sheegay in dowladda Sudan ay bixisay lacag 335 milyan oo dollar ah oo magdhow ahaan loo siinayo qoysaska dhibanayaashii weerar argagixiso oo lagu qaaday dad Mareykan ah intii uu xukunka hayey madaxweyne Al-Bashiir, xilligaas oo Osama Bin Laden uu joogay Sudan.

Ra’iisul Wasaaraha Sudan Abdulla Hamdok ayaa twitter-ka uga mahad-celiyey madaxweyne Trump, isaga oo aan xusin Israel.

Israel iyo Sudan ayaa qorsheynaya inay billaabaan furista xiriiro dhaqaale iyo ganacsi, iyo inay soo celiyaan safaaradihii dal walba uu ku lahaa dalk kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here