Sultan Qaboos bin Said Al Said oo geeriyooday iyo Haitham bin Tariq Al Said bedelay

sultan qaboos Haitham bin Tariq oman

Suldaankii dalka Cuman, Sultan Qaboos bin Said Al Said, oo ahaa hoggaamiyihii ugu xukunka dheeraa carabta ayaa geeriyooday Jimce isaga oo 79 jir ah, waxaa sidaas werisay warbaahinta dowladda.

Sultan Qaboos ayaa bishii tagtay kasoo laabtay tijaabo caafimaad oo uu kusoo maray dalka Belgium. Waxaa jiray warar sheegaya inuu qabay cudurka kansarka.

Sultan Qaboos ayaa afgambi aan dhiig ku daadan wuxuu xukunka kala wareegay aabihiis 1970-kii, isaga oo taageero ka helaya Britain. Wuxuu kadib isaga oo adeegsanaya saliidda ay qaniga ku ahayd Cuman, dalkiisa ku hoggaamiyey waddada horumarka.

Sultan Qaboos ayaan lahayn xaas, iyo caruur ka dhaxasha xukunka, si rasmi ahna uma magacaabin qof beddela, inta uusan dhiman ka hor.

Sida ku qoran xeerka Saldanadda, Golaha Qoyska Boqortooyada – oo ka kooban 50 rag – ayaa suldaan cusub ku dooran doona muddo saddex maalmood gudahood ah.

Haddii qoyska aysan ku heshiin suldaan cusub, golaha difaaca qaranka, guddoomiyaha Maxkamadda Sare, Golaha Shuurada iyo Golaha Dowladda ayaa furi doona warqad xiran oo uu Sultan Qaboos uu si sir ah ugu qoray magaca qofka uu u doortay inuu xukunka ka beddelo, haddii aan qof lagu heshiin.

Sida uu hadda sheegay Weriyaa Al Jazeera ee Caasimada Cumaan, waxaa la doortay Haitham bin Tariq Al Said 65 jir ah, oo ay ilma adeer ahaayeenSultan Qaboos.

Suldaanka waa qofka leh go’aanka ugu dambeeya ee Cuman, wuxuuna sidoo kale hayaa xilalka ra’iisul wasaaraha, taliyaha sare ee ciidamada, wasiirka difaaca, wasiirka maaliyadda iyo wasiirka w arrimaha dibedda.

Dalka Cumaan ayaa looga dhowaaqay saddex maalmood oo baroordiiq ah oo billaabaneysa maanta oo Sabti ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here