Suudaan iyo Mareykanka oo 20 sano ka dib Safiiro is weydaarsanaya

rw sudan cabdalla xamduuk

Dowladaha Mareykanka iyo Suudaan ayaa markii u horeysay muddo 23-sano ah is weydaarsanaya Safiiro, sida uu xaqiijiyay Xoghayaha Arrimaha dibadda Mareykanka Mike Pompeo.

Ra’iisul Wasaaraha Suudaan Abdalla Hamdok ayaa booqashadiisa u horeysay ku jooga magaalada Washington, iyadoo Mas’uuliyiinta Mareykanka kala hadlayo sidii cunaqabateynta looga qaadi lahaa dalkaas.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Mike Pompeo ayaa sheegay in labada dal ay bilaabi doonaan hannaanka is dhaafsiga Safiirada, muddo 23 sano kaddib.

“Go’aankan ayaa ah tallaabo macno leh oo hore loogu qaaday xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee Mareykanka iyo Suudaan, gaar ahaan iyadoo dowladda kumeel gaarka ah ee uu hoggaaminayo Abdalla Hamdok ay ka shaqeyneyso hirgelinta isbadallada ballaaran,” ayuu Pompeo ku yiri hadal uu soo saaray.

Booqashada Ra’iisul Wasaaraha Suudaan ku joogo Washington ayaa ah mid uu taageero ugu raadinayo marxalada kala guurka ee Suudaan ee dhanka dimoqraadiyadda, kaddib markii xukunka laga tuuray Madaxweynihii hore ee Suudaan Cumar Xasan Al-Bashiir oo muddo 30 sano xukunka hayay.

Ra’iisul Wasaaraha Suudaan ayaa rajo ka qaba inuu Mareykanka ka saaro dalkiisa liiska dowladaha taageerada siiya Argagixisada oo Mareykanka ku daray 25 sano ka hor.

Mareykanka ayaa sanadkii 1996-dii xiray safaaraddii uu ku lahaa Khartoum, kaddib walaac laga muujiyay arrimo argagixiso ah, hase ahaatee sanadkii 2002 ayuu Mareykanka dib u furay safaaraddiisa, iyadoo aanay wax Safiir ah laheyn, balse uu hoggaaminayay kaliya Diblomaasi hoosaad oo ay ansixiyeen Aqalka Senate-ka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here