Suuq lagu iibiyo geela oo laga hirgeliyay dalka Australia

Dalka Australia oo ay ku nool yihiin geel aad u badan balse aanan la dhaqanin oo hawdka daaqa, ayaa waxaa markii ugu horreysay laga bilaabay suuq internet-ka ah oo lagu iibiyo geela duurjoogta ah ee dalkaas.

Suuq oo ah mid dhanka internet-ka balse aan ahayn seyladii xoolaha ee ay Soomaalidu taqaanay ayaa ah meel lagu xaraashi doona geela dalka Australia.

Suuqa AuctionsPlus ee dalka Australia ayaa la soo dhigay sawirrada 120 neef oo geel ah, kuwaas oo noqonaya geelii ugu horreeyay ee lagu iibiyo bartan, waxaana halkii neef lagu iibinayaa 250 doollar.

Suuqan ayaa waxa uu soo jiitay dad kala jooga gobollada fog-fog ee dalka Australia, gaar ahaan galbeedka Queensland, kuwaas oo aad u daneynaya inay iibsadaan geela.

Inkastoo uu jiro dalab, haddana wakiilka suuqa Scott Taylor waxaa uu sheegay in inta badaan geela la iibsado ay wali sii joogi doonaan deeganaada miyiga ee ay iminka joogaan.

“Waa in lagu qaadaa baabuurta xamuulka ee korka ka furan, taasina waa qaali oo maxaa yeelay geela lagu ma safrin karo baabuurta xamuulka ah ee lagu qaado lo’da,” ayuu yiri Scott oo la hadlayay warbaahinta ABC ee dalka Australia.

Arrintan ayaa ka dhigan in dadka iibsada geela aanay u kaxeysan doonin halka ay degan yihiin balse loogu xanaaneynayo halka iminka ay ku nool yihiin ee ah deegaanada miyiga.

“Waxaa jira dad badan oo kala jooga gobolka New South Wales oo doonayay ilaa siddeed geel ah, haddii ay noqoto in baabuur xamuul ah oo korka furan lagu safriyo, qiimaha wuxuu isku tegayaa ilaa lix kun oo dollar,” ayuu sii raaciyay.

Inkastoo aanan la ogeyn heerka uu gaarsiisan yahay dalabka geela ee haatan la bilaabay in suuqa internet-ka lagu iibiyo, haddana waxaa jira in dadka qaar ay u adeegsadaan tartamada geela ee gudaha dalkaas halka kuwa kalena la sheegay inay doonayaan inay qashaan oo ay hilib ka helaan.

Geela ayaa dalka Australia la geeyay qarnigii 19-aad, waxaana sababtu ahayd in loo adeegsado gaadiid ahaan inkastoo markii dambe lagu fasaxay hawdka.

Dowladda Australia ayaa sanadihii dambe bilawday inay layso gela hawdka ku nool, kadib markii la sheegay in uu biyo badan cabo, taas oo lagu tilmaamay mid caqabad ku ah deegaanka, maadaama abaaro ay kusoo noqnoqdeen dalkaas.

BBCSOMALI

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here