Taageerada Dunidu u muujisay Galmudug iyo welwelka Mucaaradka Xariir miyaa ka dhexeeya?

calanka galmudug

Baarlamaanka labaad ee dowlad gobaleedka Galmudug ayaa shalay soo af-meeray xilalka Dastuuriga ah ee la doorto, waxaana sidaas ku dhammeystirmay qorshihii ku dhawaad sannadka soo socday ee lagu baadi goobayay dhidibba u taagidda Galmudug loo dhanyahay oo ay ka faa’iideystaan dhammaan dadkeeda, qaybna ka qaadata horumarka guud ee dalka.

Kadib doorashadii shalay ee madaxweynaha iyo madaxweyne ku-xigeenka waxaa si buuxda hambalyo ugu diray dowladaha Mareykanka, Shiinaha oo ah dalalka hoggaamiya siyaasadda iyo dhaqaalaha dunida, Jaamacadda Carabta, IGAD iyo AMISOM, waxaana sidoo kale si diirran usoo dhaweeyay madaxweynayaasha dowlad gobaleedyada marka laga reebo madaxweynaha Puntiland oo siyaasad ahaan dowladda federaalka howlaheeda diidan iyo hoggaamiyaha Jubaland, Axmed Madoobe.

Dhammaan dowladaha, hey’adaha iyo urur gobaleedyada taageeray ka mira dhalinta dadaalladii lagu dhisayay Galmudug, waxa ay ugu baaqeen dhammaan dhinacyadu inay ka fogaadaan qalalaaso ayna qayb ka noqdaan hannaanka horumarka ee Galmudug ka socda.

Taageerada xooggan iyo Culeyska filan waaga ah ee Mucaaradka

Taageerada xooggan ee loo muujiyay maamulka ka curtay Galmudug waxa ay culeys iyo wax aan la qaadan karin ku noqotay dhinacyada diiddan hoggaanka dowladda Federaalka oo u badan siyaasiyiin kasoo jeeda Galmudug.

Qaar kamid ah xisbiyada kumeel gaarka ah ee dalka ka jira iyo siyaasiyiin xubna ka ah oo ay kamid yihiin Xildhibaan Mahad Salaad, Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi iyo Cabdiraxmaan Cabisharkuur ayaa dhammaan qarsan waayay culeyska xooggan ee kasoo wajahaya taageerada iyo hambalyada aan lala soo daahin ee la huwiyay maamulka cusub ee Axmed Cali Kaariye (Qoor-qoor) uu hoggaanka u noqday.

Maxaa laga faa’iidayaa taageerada Mareykanka iyo Shiinaha?

Mareykanka, Shiinaha, Faransiiska, Ruushka iyo Ingiriiska waa shanta dal ee leh codka diidmada qayaxan, riglina ka ah golaha ammaanka, sidoo kalana jaan gooya siyaasaddaa caalamka, waxaana taageeradoodu ka dhigantahay in saacidihii ugu horreyay ee natiijada doorashada kadib in 40% ay taageertay Galmudug iyo natiijada doorashada.

Mucaaradku Maxey u dhibsadeen taageerada?

Mucaaradka oo waayay daaqad ay kasoo galaan hannaankii waqtiga dheer soo socday ee lagu yagleelayay Galmudug-ta cusub, ayaa goor hore waxa ay sii billaabeen qeyla dhaan u muuqatay “Illin Yaxaas” oo ay ugu gogol xaarayeen in dunidu ay sheegashadooda u aragto xaqiiqo, oo natiijada doorashada aan lasoo dhaweyn, waxaana soo dhaweynta aan lala soo daahin ay iyaga iyo mustaqbalkooda siyaasadeed ku noqtay filan waa iyo dhabar jab aad u xooggan, oo ay adagtay sida looga soo kabsado.

Maxaa sidaas Muhiim uga dhigay Galmudug?

Deegaannada dowlad gobaleedka Galmudug oo xilli dheer xaaladdiisu murugsaneyd, cid si gaar ah ugu tashan kartana jirin, waxa uu muhiim u yahay jaan goynta siyaasadda qaranka, waxaana kasoo wada jeeda Ra’iisul Wasaaraha oo ku dhawaad sannad ka shaqeynayay helidda Galmudug loo dhanyahay, Madaxweynaha iyo siyaasiyiin badan oo saameyn ku leh dalka, dhammaan dhinacyaduna waxay muhiim u arkaan in maamulka ka taliya uu noqdo mid ay isku aragti yihiin oo kala shaqeeya qaabeynta doorashooyinka dalka kusoo socda.

Madaxweynayaasha is-bar Yaacaya.

Kooxda Ahlusunna oo qayb wayn ka aheyd dib-u-dhaca waqtiga dheer qaatay ee marar badan ku yihid dhammeystirka qorshaha dhammeystirka dhismaha Galmudugta Cusub, dadka qaarna ay ku tilmaamaan koox ay hoggaamiyaan rag aan dowlad aqoon aheyn oo damacoodu hoggaamiyo, ayaa kadib markii 20 xildhibaan loogu daray baarlamaanka, musharaxoodii guddoomiye ku-xigeenkana laga adkaaday waxa ay sii wadeen xagal daacintii qorshaha, hase yeeshee dheg jalaq looma siin, arrintaas ayaana keentay in xildhibaanno aan ilaa iyo hadda magacyadooda la leyn ay gacan taag madaxweyne ugu aqoonsadaan Sheekh Shaakir oo Dhuusameeb uga sugan xarunta Inji.

Madaxweynaha Waqtigiisu dhammaaday ee mar hore walaayada dhismaha maamulka ku wareejiyay wasaaradda arrimaha gudaha ayaa isna Gaalkacyo waxa uu ka sameeyay baarlamaan qaarkood sawirro laga soo qaaday iyaga oo macawiisyo leh oo safiinatu salad, Arbaciin iyo Jus Camo ku dhaaranaya, waxuuna sheegay in ay doorteen guddoomiye baarlamaan iyo madaxeyne ku-xigeen.

Dhammaan dhinacyada qaylinaya oo la aaminsanyahay qaarkood inay xariir dhaw la leeyihiin dowlado diidan madaxda dalka oo doonaya inay dalka ku yeeshaan saameyn ay uga qayb qaadan karaan bedelidda, ayaa dareemay in ay darbi xiran uga tagtay waddadii ay doonayeen in ay gayso xafiiska looga arrimiyo Galmudug.

Galmudug malagu kala adkaaday?

Gabagabadii, Waxaa maalin cad lagu kala adkaaday siyaasad ahaan iyo gacan ku heynba, maamulka Dowlad gobaleedka Galmudug, waxaana si buuxda uga gacan sarreysa dowladd federaalka Soomaaliya oo soo saartay hoggaan iyo baarlamaan kala shaqeyn kara xaqiijinta himilooyinka dadka reer Gamudug iyo guud ahaan horumarinta danaha qaranka iyo sidoo kale qaabeynta qorshaha afarta sano ee xigta lagu hoggaaminayo dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here