Tacaddiyadii dhacay xilligii Cabdi Maxamuud Cumar oo dacwado laga soo oogayo

cabdi maxamuud cumar ilay

Xafiiska xeer ilaalinta dawlad deegaanka Soomaalida Dalka Itoobiya, oo muddo wadday baadhitaan ku saabsan tacaddiyadii iyo gabboodfalladii ka dhacay deegaanka, xilligii uu hoggaanka hayey madaxweynahii hore ee dawlad deegaanka Cabdi Maxamuud Cumar, ayaa sheegay in ay natiijadii baadhitaankaas u gudbiyeen xeer ilaaliyaha guud ee dawladda federaalka Itoobbiya.

Cabdi Maxamuud Cumar, ayaa xukumayey deegaanka muddo ku siman siddeed sabo, oo ka bilaabmayey 2010 illaa iyo laga gaadhayey 2018. Kaddib markii rabshado ka bilaabmay magaalada Jigjiga ay ku fideen deeganno kale oo ka tirsan gobollada bariga Itoobiya.

Waxaana uu illaa iyo hadda ku jira xabsi, iyada oo dhawr jeer maxkamad la hor geeyey.

Cabdiweli Jaamac oo ah xeerilaaliyaha dawlad deegaanka, ayaa BBC-da uga warramay bal waxa ay yihiin tacaddiyada ay gudbiyeen, isaga oo sheegay in ay yihiin kuwii la galay tobankii sano ee u danbeeyey.

“Tobankii sano dhibaatooyin badan ayaa dhacay, tacaddiyo ballaadhan oo umadda soomaaliyeed loo geystay, waxa kaloo jira musuqmaasuq badan oo dawladdii xilligaa jirtay samaysay baa jirta, dawladda oo keliya maaha waxaa jira dad kalejeneraalladii halkan ka shaqayn jirey oo dhibaato badan dadka u geystay baa jira.” Ayuu yidhi Cabdiweli Jaamac, xeer ilaaliyaha dawlad deegaanka

“Dhibaatooyinka dadka lagu samayn jirey waxaa ka mid ah, tusaale ahaan, reero badan oo iyaga guryahooda iska jooga inta ciidan la soo geliyo la layn jirey iyaga oo aan waxba galabsan, kufsi la gaysan jirey. Waxaa kaloo jirtay dadka inta la xidh xidho jeelasha lagu layn jirey, sida Jeel Ogaadeen oo kale. Dhibaatooyin balaadhan ayaa ka dhacday deegaanka waa la wada ogyahay. Dhibaatada dadka lagu samayn jirey aad bay u ballaadhnayd.” ayuu intaasi raaciyey Cabdiweli

Ma Cabdi Maxamuud Cumar oo keliya ayaa eedda leh?

Xeer ilaalinta deegaanka waxay sheegeen, in cidda eeddan loo haystaa keliya aanay ahayn madaxweynihii hore Cabdi Maxamuud Cumar, asee jiraan dad kale oo Soomaali iyo qowmiyadaha kaleba leh oo qayb ka ahaa tacaddiyadan.

“Cabdi waa masuulkii deegaankan ugu sarreeyey weeyaan, masuuliyadda koobaad buu yeelanayaa, laakiin taasi kama dhigna keligii baa lagu eedaynayaa, dad uu dirsan jirey baa jira, dad u fulin jirey baa jira shirqoollada iyo dhibaatada umadda soomaaliyeed. Sidoo kale waxaa jira dad aan Soomaaliba ahayn baa jira, oo ay ka mid yihiin Jeneraalladii tigreega ee deeganka ka talin jirey. Cid kasta oo danbigaa ku lug yeelata xil ha hayso, ama waddanka dibadda ha uga maqnaato waa mid la eedaynayo ayay noqon doontaa.” Ayuu yidhi Cabdiweli Jaamac, xeer ilaaliyaha dawlad deegaanka.

Cabdi Maxamuud Cumar ayaa dhawr jeer cafis dalbaday.

Waa sidee imika xaalka deegaanku?

Saddexdii sano ee la soo dhaafay ayaa la sheegayaa in deegaanka Soomaalida ee waddanka Itooobiya ay ka dhaceen dagaallo beeleeydyadii ugu badnaa, muddooyinkan dambe, kuwaas oo galaaftay nolosha dad badan, halka duunyo badanina ku waxyeellowday.

Dagaalladaas ayaa sida la sheegay badanaa waxay sababaan dhul beereedyada, daaqsinka iyo ceelashaba, kuwaas oo dadka xaalka deegaanka la socdaa sheegeen in aanay dhici jirin xilligii maamulkii Cabdi Maxamuud Cumar.

Hasayeeshee hoggaanka nabadgalyada ee deegaanka ayaa ku adkaysanaya in deegaanka uu haatan ugu ammaan badan yahay horumarna uu usii dheeryahay.

“Xaaladda amni ee gobolka si guud waa mid deggan aad u fiican dalka si guudna meesha ugu deggan ah, markaa inta la xasuusto taariikhiyan xaaladda deegaanka midda nabadgelyada waa markay ugu wanaagsanayd,” ayuu yidhi kuxigeenka Hoggaanka Nabadgaluyada ee Dowlad Deegaanka Soomaalida Maxa’ed Axmed Gureey

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here