Tahriibayaal ku geeriyooday doon kula qalibantay xeebaha Libya

doon degtay 3

Qaramada Midoobey ayaa shaacisay in ugu yaraan 74 muhaajiriin kusii jeeday wadanka talyaaniga ay ku geeriyoodeen xeebaha wadanka Liibiya kadib markii ay la qalibantay doonidii ay la socdeen.

Wadanka Liibiya waa marinka ugu weyn oo ay tahriibayaasha qaaradda Afrika iyo wadamada kale ay isticmaalaan si ay u gaaraan qaaradda yurub, balse maritaankooda badda Mediterranean-ka waxey kala kulmaan dhibaatooyin aan lasoo koobi karin.

Shaqaalaha Hay’adda socdaalka adduunka ee IOM waxey xaqiijiyeen iney badbaadiyeen 47 qofood oo la socday doonida qalibantay, sidoo kale waxey warbixin ku sheegeen in ku dhawaad 1000 qofood ay sanadkaan ku geeriyoodeen badda Mediterranean-ka.

Warbixinada waxey sidoo kale sheegayaan in sanadkaan gudahiisa 11 kun oo qofood dib loogu celiyay Liibiya, balse hay’adda wey ka deyrineysaa xaaladooda maadaama ay la kulmaan xad-gudubyo marka ay dib ugu laabtaan wadanka Liibiya.

Waxaa la sheegaa in Arbacadii dad ka badan 100 qofood laga badbaadiyay dooni kula dagtay agagaarka jasiiradda Lampedusa, balse ay doonidaas ka geeriyootay 5 qofood.

IMO waxey sheegtay in ilaalada xeebaha Khums iyo kalluumeysato ay gacan ka geysteen in la badbaadiyo 47-ruux, waxaana wadar ahaan doonida la socday dad ka badan 120 qofood sida la sheegay.

Wadamada ay dadka doonida saarnaa kasoo jeedeen lama shaacin, mana cadda hadii ay Soomaali ka mid yahiin dadka geeriyooday ama kuwa la badbaadiyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here