Tahriibe dooneysay in ay dadkeeda caawiso oo dhimatay

Mitra Mehrad

Waxaa la gartay haweeney tahriibeysay oo geriyootay xilli ay isku dayeysay inay Kanaal ka gudubto. Waxaa la sheegay in ay dooneysay inay caawiso asxaabteeda ay Iiraan iskala soo jeedaan.

Mitra Mehrad, oo 31 sano jir ahayd, ayaa ka dhacday doon yar oo ay la socotay oo mareysay xeebta Kent, bishii August, meydkeeda ayaana mar dambe laga helay meel u dhow bad ku taalla dalka Holland.

Booliiska ayaa hadda xaqiijiyay halka ay haweeneydaas ka soo jeeday, iyagoo garab ka helayay BBC-da.

Ms Mehrad, oo bilowday shahaadada PhD ee la talinta cilmu-nafsiga, ayaa dooneysay inay caawiso dadkeeda, waxayna baaritaan ku sameyneysay arrimaha caafimaadka maskaxda ee dadka Iiraan, sida ay saaxiibbadeed sheegeen.

Dadaal weyn oo badbaadin ah ayaa la bilaabay 9-kii August, markii iyada iyo saddex qof oo kale ay ka dhaceen doon yar oo sidday 20 muhaajiriin ah – oo ay ku jireen afar carruur ah – doonta ayaa ka timid waqooyiga Faransiiska waxayna mareysay biyaha Ingiriiska.

Labo qof ayaa laga soo saaray biyaha, halka 19 qof – oo 14 ka mid ah ay Iiraan u dhasheen iyo 5 ka soo jeedday Ciraaq – ay RNLI geysay Ramsgate, balse dadkaas kuma jirin Ms Mehrad.

Helikobtarrada ilaalada xeebaha Ingiriiska iyo Biljamka ayaa ku biiray baadigoobka.

Markab ilaalo ah ayaa meydkeeda ka helay beer, in ka badan 30 meyl u jirta xeebta Netherlands, 18-kii August.

Booliiska Holland ayaa toddobaadkan dhexdiisa u suurto gashay inay aqoonsadaan meydkeeda, ka dib markii ay BBC soo heshay Mehrad aabeheeda, ayna ka caawisay inuu booqdo safaaraddooda ku taalla Tehran.

Baaritaanka hidda-sidaha ee DNA ayaa loo diray sheybaar ku yaalla Netherlands, aabaha Ms Mehrad ayaana Talaadadii warka loo sheegay.

‘Muxuu ahaa hammigeeda?’

Gabadhan ayaa ka tagtay qoyskeeda oo ku nool gobolka koofur-galbeed Iiraan ee Khuzestan, si ay u dhammeystirato waxbarashadeeda cilmu-nafsiga. Sannadkii 2017 ka qalin-jebisay Jaamacadda Assumption oo ku taalla magaalada Bangkok, ee dalka Thailand.

Parvathy Varma, oo bare ah ayaa tiri: “Waxay ahayd qof karti leh. Waxay dooneysay inay dadaal adag sameyso ayna qaadato shahaadada PhD ka dibna guursato, sidaas ayay ku hammineysay.”

Buuggii ay jaamacadda uga qalin-jebisay wuxuu ku saabsanaa arrimaha caafimaadka maskaxda ee ka dhex jira bulshada Iiraan, waxay dib ugu laabatay Iiraan si ay baaritaan u sameyso, iyadoo ka shaqeyneysay isbitaal, waxayna xog ka uruurisay bukaannada dhimirka ka xanuunsan.

“Waxay dooneysay inay caawiso dadkeeda,” ayay tiri Mrs Varma. “Waxay sheegtay in sababta ay u dooneysay inay dalkeeda uga sameyso baaritaanka ay ahayd in dadka Iiraan ku nool qaarkood ay qabaan dhibaatooyin maskaxda ah.”

Macallimadda ayaa dib u xusuusatay hadal ay Mehrad ku tiri: “Ma doonayo inaan sameeyo baaritaan aanan wax faa`iido ah u lahayn dadkeyga.”

Mehrad ayaa bilowday shahaadada PhD, balse ma aysan awoodin inay shaqo ka hesho Bangkok si ay waxbarashada isaga bixiso, sida ay sheegtay Mrs Varma. Horraantii sannadkan 2019, ayay ka tagtay Thailand, waxayna gaartay Faransiiska.

Ma cadda xilligii ay dejisay qorshaha ah inay la heshiiso mukhalasiin, si ay doon uga gudubto Kanaalka isku xira faransiiska iyo Britain, balse waxaa muuqata inay ka qarisay asxaabteeda, kuwaasoo yaabay marka ay geerideeda maqleen.

Bishii February, waxay asxaabteeda u sheegtay inay qorsheyneyso inay u safarto Canada si ay baaritaanka u sii wadato.

Mrs Varma ayaa sheegtay inay ku kaftameen qorshaha Mehrad. “Waxaan weydiiya, mar qura baad tiri Canada, ma waxaad heshay lammaane Canada ka soo jeeda? Waxay tiri maya, maya, maya, dib baan kaaga sheegi doonaa.”

“Waxay sidoo kale tiri: ”Fadlan ii soo ducee’. Ka dib waxaan ogaaday inay wax uun ku howlan tahay.”

‘Waxay aad u dooneysay inay baxdo’

Sida ay sheegeen booliiska Holland, horraantii August, Mitra Mehrad ayaa tagtay xero ku meel gaar ah oo ku taalla magaalada Dunkirk ee dalkaas, taasoo ay ku jireen boqollaal muhaajiriin kale, oo badankood Iiraan ka soo jeeda.

Waaxda Dembiyada dalkaas ayaa horraantii sannadkan ka digtay in xerada ay maamulaan OCGs – oo ah kooxo dembiilayaal ah – oo “doonayay inay rabshado u adeegsadaan qalqal gelinta muhaajiriinta doomaha ugu safraya UK”.

Labo nin, oo safarka ka caawiyay Ms Mehrad, ayaa lagu xiray Faransiiska.

Mrs Varma ayaa sheegtay in aysan fahmin waxa ku kallifi kara in Ms Mehrad ay qaadato go’aan noocaas ah.

Baaritaanka hidda-sidaha DNA ayaa soo afjaray sugitaankii xanuunka badnaa ee qoyska Ms Mehrad, oo in ka badan afar bilood kaddib markii ay geeriyootay gabadhooda u sameeyay aas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here