TALADA KOONFUR GALBEED MA TAALLO XAMAR (Qore Aadan Ciise Macalin)

jawaari iyo shariif sakiin

Sanadku 2022 laakiin u ekaa 1992. Ninku waa Jawaari laakiin dhaqankiisu u ekaa kii Gaashaanle Sare Maxamed Nuur Caliyow oo reer Buur Xakaba ah, raalli ka ahaa in dadkiisu macaluul u le’daan kaddib markii ciidammadii Jeneraal Ceydiid iyo Axmed Cumar Jees ay hor istaageen gargaarkii dunidu gaarsiin lahayd maatada Digil iyo Mirifle.

Go’aankii uu Diseembar 1992 Madaxweyne George H. Bush ciidammada badda ugu soo diray Soomaaliya wuxuu ku saleeyay in ay bannaynayaan waddooyinka sahayda gargaar mari doonto. Casharradan oo dhami way ka dahsoon yihiin kuwa shir ay ku tilmaameen ‘badbaadinta Koonfur Galbeed’ ku qabtay Muqdisho. Waa wajiga dhabta ee halkudhigga Soomaali heshiis ah oo Madaxweyne Xasan Sheekh ku celceliyo.

Jawaari hadda wuxuu qaadanayaa kaalintii Maxamed Nuur Caliyow (1992) iyo kaalin la mid ah tii Barre Hiiraale (2012) oo dowladdii federaalku Xamar ka soo abaabushay si uu ula dagaallamo Axmed Madoobe oo markaas diyaarinayay dhisidda Jubaland.

Siyaasiga Damuljadiid u wataan waa Shariif Xasan oo sidiisaba ah nin dib u dhac weyn ku riday Koonfur Galbeed intuu ahaa Madaxweynaha maamulkaas. Maxay reer Koonfur Galbeed mar labaad u majaxaabinayaan dadkooda oo halis badani kaga soo socoto xoogag is bahaystay oo gacan ka helaya shaqsiyaad diiddan horumarka Koonfur Galbeed?

Koonfur Galbeed waa inay dhaleeceyso ololaha lagu wiiqayo guulaha iyo waxqabadyada Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen. Jubaland marnaba laguma farogelin ololihii doorashadii 2019kii. Ra’iisal Wasaare Xamse Barre oo markaas ahaa Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Jubaland ayaa qabsoomidda doorashada u xilsaarnaa. Tartameyaal Nabad iyo Nolol Muqdisho ka soo abaabushey way jireen hase ahaatee way guuldarreysteen. Koonfur Galbeed waxay xaq u leedahay in hay’adaheedu soo diyaariyaan doorasho marka xilligeeda la gaaro.

Shirar Shariif Xasan Xamar loogu qabto ma aha kuwo xagaldaacin kara hoggaaminta suubban ee Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen oo ku sifoobay hoggaamiye dalkiisa iyo dadkiisa ka fekera. Shariif Sakiin wuu og yahay in talada Koonfur Galbeed ay taallo Baydhaba. Wuxuu keliya oo muujiyay in Madaxweyne Xasan Sheekh u diyaar yahay inuu xasiloonidarro ka abuuro Koonfur Galbeed. Halkudhiggiisa dhabta ihi waa Soomaali is dagaalsan…

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here