Taliban oo Afganistan ka dhiseysa dowlad Islaami ah

talibaan

Taliban ayaa Mareykanka uga digtay inaysan ka bixin heshiiska ay ciidamada Mareykanka iyo NATO uga baxayaan Afghanistan kahor 1-da bisha May, ayada oo wacad ku martay falcelin ay ka mid yihiin weeraro culus haddii ay sidaas dhacdo.

Taliban ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday inay dhisi doonta dowlad Islaami ah kadib marka ay baxaan ciidamada ajnabiga, sida horey loogu heshiiyey wada-hadalladii sanadkii tegay ka dhacay Doha.

Maamulka madaxweyne Joe Biden ayaa sheegay inay dib u eegis ku sameynayaan heshiiska oo ay wada saxiixdeen Taliban iyo maamulkii madaxweyne Donald Trump. 

Biden ayaa Arbacadii u sheegay taleefishinka ABC “inay waqtiga la qabtay ee 1-da May ay dhici karto, balse ay adag tahay,” isaga oo intaas ku daray in haddii waqti laga sii dheereeyo 1-da May uusan noqon doonin mid badan.

“Waa inay baxaan,” waxaa sidaas weriyayaasha u sheegay Suhail Shaheen oo ka mid wada-xaajoodayaasha Taliban isaga oo ku sugan Moscow, halkaasi oo ay wada-hadallo uga socdaan Taliban iyo dowladda Afghanistan. Shaheen ayaa ka digay in sii joogistan1-da May kadib ay jebineyso heshiiska.

Shaheen ayaa sidoo kale xaqiijiyey in Taliban aysan ku qanci doonin wax aan ka ahayn in dowlad Islaami ah laga dhiso Afghanistan. 

Shaheen waxa uu carabka ku adkeeyey in dowladda hadda ka jirta Afghanistan ee madaxweyne Ashraf Ghani aysan ku habooneyn qeexitaankooda dowlad Islaami ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here