Taliban oo ka digtay qorshe lama filaan ah oo uu Mareykanka damacsan yahay

0
talibaan

Taliban ayaa ka digtay inuu jiri doono “cawaaqib” haddii Mareykanka iyo xulafadiisa ay baaqi kusii ahaadaan Afghanistan wax ka baxsan toddobaadka soo socda, xilli Washington ay kordhisay dadaalka ay dalkaas uga daadgureyneyeso kumanaanka qof.

Kumanaan askari oo Mareykan ah ayaa dalkaas gaaray, si ay gacan u gaystaan daadgureynta ajaaniibta iyo Afgaaniyiinta Mareykanka la shaqeyn jiray.

Hase yeeshee ayada oo waqtigu gabaabsi yahay, ayaa waxaa cadaadis xooggan lagu saarayaa madaxweyne Joe Biden inuu kordhiyo waqtiga kama dambeysta ee ay tahay inay dalkaas uga baxaan, oo ah 31-ka August.

Si kastaba, Taliban ayaa muujineysa inaysan diyaar u aheyn inay tanaasul sameyso.

Afhayeenka kooxdaas Suhail Shaheen ayaa u sheegay taleefishinika Sky News in joogitaan kasta oo militari shisheeye oo ka baxsan waqtiga lagu heshiiyey ay noqon doonto “dheereynta haysashada” dalka.

“Haddii Mareykanka iyo UK ay doonayaan waqti dheeri ah oo ay kusii wadaan daadgureynta – jawaabta waa maya.. waxaa jiri doona cawaaqib,” ayuu yiri Shaheen.

Taliban ayaa hadda ka shaqeyneysa dhismaha dowlad cusub, hase yeeshee laba il-wareed oo ka tirsan kooxda ayaa AFP u sheegay inaan lagu dhawaaqi doonin golaha wasiirada, illaa askariga ugu dambeeya ee Mareykanka uu ka tago Afghanistan.

Orodka loogu jiro ka tagista Kabul ayaa garoonka diyaaradaha Hamid Karzai ka abuurtay qalaalaase iyo muuqaallo argagax leh, ayada oo ay ku dhinteen ugu yaraan sideed qof.

AFP + VOA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here