Taliska Africom oo sheegay inay sii wadayaan hawlgaladda Soomaaliya

AFRICOM Gen Stephen Townsend

Taliska ciidamada Mareykanka ee Africa ee AFRICOM ayaa sheegay inay jeclaan lahaayeen inay joojiyaan howl-gallada Soomaaliya, balse inay sii wadaan ay ku qasbeyso dhowaq ay sameeyeen madaxda Al-Shabaab, Daacish iyo Al-Qaacida.

“Inkasta oo aan jeclaan lahayn inaan hakino howl-galladeenna Soomaaliya, sababo la xiriira Coronavirus, hogaamiyayaasha Al-Qacida, Al-Shabaab iyo Daacish, ayaa ku dhowaaqay inay xasaraddan u arkaan fursad ay kusii ballaariyaan ajendahooda argagixisada, sidaas darteed waxaan sii wadi doonnaa inaan garab istaagno oo aan taageero saaxiibadeenna Africa,” waxaa sidaas yiri taliyaha AFRICOM Jeneral Stephen Townsend.

AFRICOM ayaa sheegtay in hadafkeeda Soomaaliya uu yahay inay caawiyaan dowladda Soomaaliya, si ay deegaan nabdoon oo ammaan ah u siiso shacabka Soomaaliyeed, islamarkaana laga hor-istaago Al-Shabaab iyo Daacish inay isku ballaariyaan Soomaaliya.

Waxay intaas ku dartay in taageerada AFRICOM ay u suurta-gelisay Ciidamada Xoogga Soomaaliya iyo kuwa AMISOM inay qabsadaan dhul badan oo ka mid ah Koonfurta Soomaaliya.

“Soomaaliya waxay muhiim u tahay deegaanka nabdoon ee Bariga Africa, islamarkaana xasiloonideeda muddada fog ayaa muhiim u ah xoojinta danaha Mareykanka ee gobolka,” ayuu yiri Townsend.

AFRICOM ayaa shalay shaaca ka qaaday inay xaqiijiyeen, in qof ka mid ah saddex qof oo lagu dilay duqeyn ay Soomaaliya ka fuliyeen labadii April, uu ahaa Yuusuf Jiis, oo ka mid ahaa aas-aasayaashii kooxda Al-Shabaab, islamarkaana agaasimay weeraro badan oo kooxda ay ka fulisay Soomaaliya iyo dalalka Bariga Africa qaarkood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here