Taliska ciidamada booliska oo warbixin rasmi ah kasoo saaray weerarkii Hotel SYL

0
boolis xamar ramadaan amniga sugaan1762015 9

Taliska ciidamada booliska Soomaaliya ayaa warbixin rasmi ah kasoo saaray weerarkii kooxda Al-Shabaab ay xalay ku qaadeen hotelka SYL ee magaalada Muqdisho. Hoos ka aqriso warsaxaafadeedka booliska

WARSAXAAFADEED KU SAABSAN WEERARKII SYL HOTEL – 10 DEC 2019

Waxaa ciidamadeenna geesiyaasha ah ay soo afjareen weerarkii ay kooxda argaixisada ah ku soo qaadeen Hoteelka SYL ee magaalada Muqdisho iyagoo soo badbaadiyay shacab iyo masuuliyiin kor u dhaafaya 80 oo ku jiray gudaha markii uu weerarku dhacay.

Waxaa weerarka soo qaaday shan qof oo argagixisadu u soo dirtay dhagarta Ummadda Soomaaliyeed kuwaas oo dhammaan la wada dilay.

Waxaa xusid mudan in shacabka Soomaaliyed ay yihiin kuwa jecel nabadda, ayna si buuxda uga qayb qaateen muddooyinkii la soo dhaafay in laga hortago dhagarta kooxaha argagixisada ah.

Waxaan shacabka ka codsaneenaa in ay sii xoojiyaan wadashaqeynta wanaagsan ee ay haatan la leeyihiin laamaha amniga, annaga oo ugu baaqayna in ay muujiyaan midnimo iyo wadajir.

Waxaan sidoo kale, ku dhiirrigelinaynaa in ay raacaan farriimaha hay’adaha amniga.

Ciidamada Qalabka Sida waxaan ku bogaadinaynaa dadaalladii wax-ku-oolka ahaa iyo hawl-galladii ay ku beegsanayeen argagixisada muddooyinkii la soo dhaafay taasi oo saameynteeda wanaagsan laga dareemay magaalada Muqdisho iyo labada Shabeelle.

Khasaaraha dhimashada sidaan xaqiijinay waa 2 askari oo ka tirsan Ciidamada Qalabka Sida iyo 3 shacab. Sidoo kale waxaa dhaawac fudud soo gaaray 9 qof oo shacab ah iyo 2 askari.

Ugu dambeyntii, waxaan idinka codsanaynaa inaad u duceysaan dadkii ku shahiiday weerarkan oo ay kamid yihiin shuhado ka tirsan Ciidamada Qalabka sida iyo shacabka, annaga oo tacsida iyo tiiraanyada la wadaagaynaa qoysaskooda iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.

DHAMMAAD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here