Taliska ciidamada Turkiga oo Ciidamadda Soomaaliya ugu deeqay direys iyo qalab la xiriira

amardambe odawaa turksom

Taliska ciidamada Turkiga ayaa direys ciidan oo fara badan iyo qalab la xiriira ugu deeqay ciidamada xoogga dalka Soomaaliya.

Xaflad ka dhacay xarunta Saldhiga ciidamada TurkSom ee magaalada Muqdisho oo ay ka qeyb galaan Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya iyo Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka, ayaa ciidamada Soomaaliya lagu guddoonsiiyey deeq isugu jirta 60,000 oo dareyska ciidamada ah, Kabo iyo 3862 qalabka ciidamadu xirtaan ee dareyska la socda ah, kuwaasoo Taliska ciidamada Turkiga ugu deeqay ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya.

Deeqda ayaa waxaa ka mahad celiyey wasiirka Gaashaandhigga Xasan Cali Maxamed (Amar Danbe) iyo taliyaha ciidamadda xoogga dalka Gen. Odowaa Yuusuf Raage oo Turkiga uga mahad celiyey taageerada joogtada ah ee uu siiyo ciidamada Soomaaliya.

Dowladda Turkiga ayaa ka mid dalalka dhinaca milateriga ka taageera dowladda Somalia, iyadoo sidoo kale xerada TurkSom ee Muqdisho ku tababarta ciidamada xoogga dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here