Taliska Ciidanka Xooga dalka oo la wareegay hogaaminta qorshaha howlgalada Amniga dalka

gen odawaa amisom5

Ciidanka DF oo AMISOM kala wareegay hogaaminta howlgalada Amniga dalka (Sawirro)Shir labo cisho Magaalada Muqdisho uga socdey Taliska Ciidanka AMISOM iyo Taliska Ciidanka Xooga Dalka ayaa la isku afgartey in taliska Ciidamada xoogga dalka lagu wareejiyo hogaaminta Qorshaha Howlgalada Amniga Dalka.

Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobey iyo Midowga Afrika ayaa ku heshiiyay in joogitaanka Ciidamada AMISOM lagu daro ilaa bisha December 2021 balse hogaaminta qorshaha amniga Dalka lagu wareejiyo Dowlada Federaalka iyo Taliska Ciidanka xoogga dalka isla markaana Ciidamada AMiSOM ee Dalka jooga ay ka wada Amar-qataan Dowlada Federaalka ee Soomaaliya gaar ahaan Wasaarada Gashaandhiga iyo Taliska ciidanka xoogga dalka.

Taliyeyaasha ciidamada Xoogga iyo Amisom ayaa isku raacay in la dajiyo bartilmaameedyo ay ku midoobaan si loo xoojiyo howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab, iyadoo sidoo kale isku afgartay in horay loo dhigo doorka ku aadan sugidda amniga.

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Odowaa Yuusuf Raage ayaa ku booriyay waxyaabaha kasoo baxay shirkaan ay noqdaan kuwa laga miro dhaliyay oo aan qoraal lagu soo koobin.

“Waxaa loo baahan yahay qorshaan inuu noqdo miro dhal si dalka looga saaro argagixisada dhibaatooyinka ku haya shacabka waana muhiim inaan si wadajir ah uga shaqeyno” ayuu yiri taliye Odowaa.

Go’aankan ayaa la sheegay inuu ka dhigan yahay wixii hadda ka dambeeya Ciidanka Qaranka Soomaaliya ay hoggaamin doonaan wixii howlgal ah, iyadoo arrintan ay waxay u gogol xaareysaa sidii ay Soomaaliya booska ugala wareegi lahayd Ciidammada AMISOM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here