Taliska Ciidanka Xoogga Soomaaliya oo ka hadlay dagaalkii Ceel-Saliini

komandoos gorgor ururka4 2

Saraakiil ka tiran ciidanka Xoogga dalka oo la hadlay warbaahinta ayaa faah faahiyey weerar ku bilowday qarax ismiidaamin ah iyo dagaal xigay oo saaka Al-Shabaab ay ku qaaday deegaanka Ceel-Saliini ee gobolka Sh/Hoose.

Saraakiishaan ayaa sheegay inay ka hortageen weerarkaasi, islamarkaan ay khasaare kala duwan ku gaarsiiyeen dagaalyahannadii hubeysnaa ee soo qaaday.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dareen saraakiishu in iyagoo ku jira feejignaan uu dagaalku dhacay, taasina ay sahashay inay fashliliyaan, sida ay hadalka u dhigeen.

“Ciidamada oo ka feejignaa weerarka Al-Shabaab ayaa ka hortagay isku daygaasi weerarka ah oo ay soo qaadeen Al-Shabaab, balse Khasaaro oo dhimasho iyo dhaawacba leh lagu gaarsiiyay halkaasi”. ayuu yiri qoraal ka soo baxay taliska ciidanka Xoogga Soomaaliyeed.

Dhinac kale Al-Shabaab ayaa guullo ka sheegatay weerarkaasi iyo dagaalka xigay, sida ay ku baahisay baraha Internet-ka.

War qoraal ah ka soo baxay Xarakada Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in howlgalkaasi ay ku dileen askar badan, sidoo kalena ay la wareegtay gacan ku heynta deegaankaasi.

Xaaladda ayaa haatan kacsan, iyadoona weli dhaq dhaqaaqyo ay ka socdaan halkaasi.

Al-Shabaab ayaa saaka weeraro ballaaran ku qaaday qeybo badan oo ka mid ah Sh/Hoose, gaar ahaan degmada Qoryooley iyo deegaanka Ceel-Saliini ee gobolkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here