Taliska Ciidanka Milateriga Soomaaliya, ayaa faah faahin ka bixiyay dagaal xoogan oo gelinkii dambe ee shalay Ciidanka dowladda oo ay weheliyaan kuwa koonfur Galbeed iyo Al-shabaab ku dhexmaray degaano ka tirsan Gobolka Baay.
Gen. Odawaa Yuusuf Raage oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa u sheegay in Ciidanka dowladda ay weerar qorsheysan ku qaadeen degaan lagu magacaabo Mitir oo 11KM u jira degmada Diinsoor, kadibna uu dhacay dagaal saacado badan qaatay.
Waxaa uu sheegay Taliye Odawaa in dagaalka uu ka dhashay Khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo la gaarsiiyay Al-shabaab, iyagoona xusay in weerarka lagu dilay 19 dagaalame oo ka tirsan Al-shabaab, sidoo kalena gacanta lagu dhigay laba xubin.
Isaga oo sii hadlaayay Taliyaha, ayuu uu tilmaamay in la burburiyay goob Shabaab ay isku aruursanayeen.