Taliska Xoogga dalka oo faahfaahin ka bixiyey weerarkii Ballidogle iyo siduu u dhacay

astaanta ciidanka Xoogga Dalka

Taliska ciidammada Xoogga Dalka ayaa sheegay in Ciidanka Xoogga iyo kuwa Mareykanka ee taageera ay iska caabiyeen weerar gawaari loo adeegsaday oo Al-Shabaab ku soo qaadeen saldhigga Ballidoogle ee gobolka Shabeellaha Hoose.

War kasoo baxay ciidamada oo lagu faafiyey warbahainta dowladda ayaa lagu sheegay in weerarka loo adeegsaday qarax balse baabuurtaas ay ku qarxeen bannaanka saldhigga.

“Inkastoo Al-Shabaab xoog badan galiyeen weerarkan oo ay gawaari u adeegsadeen, ayaa haddana ciidamada Xoogga Dalka oo ka feejignaa waxay in ka yar 10-daqiiqo ku soo afjareen weerarka argagixisada, iyadoo aanu soo gaarin wax khasaare dhimasho ah.” Ayaa lagu yiri qoraalka ciidamada.

Ciidamada xoogga dalka ayaa sidoo kale sheegay in is-rasaaseyn dhacday qaraxyada ka dib lagu dilay dhammaan maleeahiyadii Al-Shabaab ee weerarka soo qaaday.

Goor sii horreysay, kooxda Al-Shabaab ku sheegtay in qaraxyo ku weerartay saldhigga, kadibna  markii ay jabiyeen difaacyada hore ee saldhiggan ay ciidamadeeda dagaal xooggan la galeen militariga halkaas ku sugan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here