Taliyaha AFRICOM oo si kulul u beeniyey warar laga faafiyey xaaladdiisa kadib weerarkii Al-Shabaab

AFRICOM Gen Stephen Townsend

Taliyaha taliska ciidamada Mareykanka Africa ee AFRICOM, Stephen Townsend ayaa beeniyey warar lagu faafiyey baraha bulshada, oo lagu sheegay inuu ku dhintay weerarkii Al-Shabaab ay shalay ku qaadeen saldhigga Manda Bay ee gobolka Lamu ee dalk kenya.

Weerarkaas ayaa waxaa lagu dilay askari iyo laba qandaraaslayaal Mareykan ah, halka laba kalena lagu dhaawacay, sida uu xaqiijiyey taliska AFRICOM.

Hase yeeshee waxaa kadib baraha bulshada lagu faafiyey warar sheegaya in Stephen Townsend uu ku dhintay weerarkaas. Sida ay sheegtay AFRICOM, qaar ka mid cinwaanada warkaas faafiyey ayaa xiriir la leh Iran.

Townsend ayaa qoraal uu maanta soo saaray ku yiri “Wararka ku saabsan dhimashadeyda waa kuwo si weyn loo buun-buuniyey. Tani mar kale waa tusaale muujinaya beenta, dacaayadda iyo wararka been abuurka ah ee ka imanaya Al-Shabaab iyo jilayaasha xun, sida Iran iyo kuwa u shaqeeya,”

Qoraalka ayaa intaas ku daray “AFRICOM waa ay sii wadi doontaa inay saaxiibadeenna kala shaqeyso danaha Mareykanka iyo cirib-tirka argagixisada doonaya inay dhaawacaan dhulka Mareykanka, iyo saxiibadeena Africa iyo caalamka ee aan waxba galabsan.”

US AFRICOM@USAfricaCommand

Statement by U.S. Army Gen. Stephen Townsend, commander, U.S. Africa Command, in response to false claims posted on several unverified social media accounts – some with links to Iran – regarding his alleged death during yesterday’s attack by al-Shabaab in Manda Bay, Kenya:

View image on Twitter

1656:12 PM – Jan 6, 2020Twitter Ads info and privacy173 people are talking about this

Weerarkii Al-Shabaab ay ku qaaday saldhigga Manda Bay ayaa ahaa mid ka mid ah kuwii ugu dhimashada badnaa ee kooxdan ay la beegsato ciidamo Mareykan ah.

Al-Shabaab waxay sheegatay in weerarka ay ku dishay 17 askari oo Mareykan ah iyo sagaal Kenyan ah, islamarkaana ay ku gubtay qalab ay ka mid yihiin diyaarado iyo baabuur dagaal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here