Taliyaha ciidamada Booliska oo magacaabay taliyeyaal cusub

xijaar taliyaha booliiska

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya Jeneraal Cabdi Xasan Xijaar ayaa magacaabay Saddex Taliyaal cusub ee ciidamada booliska ah.

Taliyaasha cusub ee la magacaabay ayaa waxa ay taliyaal ka noqonayaan saldhigga Booliska garoonka diyaaradaha, Akademiyada Ciidanka boliiska iyo Taliyaha ciidanka Miino Baarista Booliska.

Taliyaha saldhigga booliiska garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa loo magacaabay Cabdifitaax Bashiir Mire Cali.

Sidoo kale Cabdikariin Macalin ayaa loo magacaabay Taliyaha Akademiyada Ciidanka boliiska.

Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa waxa uu sidoo kale magacaabay Taliyaha Ciidanka Miina Baarista boliiska, Sarkaalka loo magacaabay oo magaciisa lagu sheegay Asad ayaa ka tirsanaa muddo dheer qeybta Miina Baarka ee Booliska Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here