Taliyaha qaybta 60-aad ee CXD oo faah-faahin ka bixiyay dagaal ay la galeen Al-Shabaab

Taliyaha qaybta 60aad

Taliyaha Ciidamada qaybta 60-aad ee Xoogga Dalka Gen. Maxamed Sheekh Cabdullaahi ayaa faah-faahin ka bixiyay dagaal ciidamada dowladda ay la galeen Al-Shabaab oo ka dhacay deegaanno katirsan Gobolada Bay iyo Bakool.

Gen. Maxamed waxa uu sheegay in khasaare kala duwan ay gaarsiiyeen Al-Shabaab, kadib dagaal ay la galeen Ciidamada Dowladda ee ka howlgala deegaanada Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya.

“Al-Shabaab waxa ay isku dayeen in ay soo wareeraan saldhigyo aynu ku leenahay deegaanno ay kamid tahay Buur Eeylo, dad shacab ah ayay ku dhibaateynayeen, waxaana ka qabsanay Xoolo ay dad kasoo qaadeen oo ay doonayeen in ay dad kale siiyaan, waxaana u celinay dadkii lahaa” Taliyaha qaybta 60-aad ee CXD.

Waa uu sii hadlay Taliye Maxamed waxa uuna yiri “Awdiinle, Walak, Xabaal barbaar, Qansax dheere iyo meelo kale ayaan ku jabinayay, waxaana kasoo furanay hub ay wateen Al-Shabaab, waxaana ciidamada ay diyaar u yihiin in ay sii kordhiyaan howlgalada ay kawadaan deegaanada Koofur Galbeed”.

Taliyaha Ciidamada qaybta 60-aad ee Xoogga Dalka Gen. Maxamed Sheekh Cabdullaahi waxa uu sheegay in Ciidamada ku sugan Degmooyinka Gobolada Bay iyo Bakool ay ka feejigan yihiin weeraro Al-Shabaab ay damacsan yihiin sida uu hadalka u dhigay.

Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Odawaa Yuusuf Raage ayaa dhawaan Magaalada Baydhabo kula kulmay Taliyaha qaybta 60-aad iyo saraakiisha kale ee Ciidamada Militariga Soomaaliya, iyaga oo kawada hadlay sameynta howlgalo la isugu furayo degmooyinka go’doonsan ee KGS.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here