Taliye Odowaa oo ka hadlay ciidamadii shalay gadoodka ka sameeyey Muqdisho

general odowaa3

Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed S/guuto, Odawaa Yuusuf Raage, ayaa maanta ka hadlay gadoodkii ay Shalay sameeyeen ciidamo ka tirsan Militariga Soomaaliya gaar ahaan qeybta 27, kuwaas oo ka cabanayey mushaar la’aan.

Taliye Odawaa ayaa sheegay in ciidanka qalabka sida ay qaateen mushaharkoodii balse kuwa Shalay banaanbaxa dhigay ay macquul tahay inay kamid yihiin ciidamada aan weli marin tirakoobka iyo kuwa ay cilado farsamo ka yimaadeen diwaangelintoodii oo aan weli lacag la siin sida uu hadalka u dhigay.

“Dowladda Soomaaliya ee haatan jirta ayaa ah dowladdii ugu horreysay oo muddo labaatan sano ah si toos ah u bixisa xuquuqda shaqaalaha rayidka iyo ciidamada kala duwan ee dalka,” ayaa lagu yiri qoraal lagu daabacay warbaahinta dowladda oo loo tiriyey Odowaa.

Hadalka taliye Odawaa ayaa imaanayo xilli shalay ay agagaarka madaxtooyada xirteen Ciidamo ka tirsan Militariga oo kasoo baxay aaggaga difaaca ee Gobolka Shabeellaha Dhexe iyo Gobolka Hiiraan maadaama sida ay hadalka u dhigeen waayeen xuquuqdooda ciidanimo.

Qaar kamid ah ciidamada oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa ay sheegeen in muddo sanado ah ay ku jireen dafaacyada Ciidamada, iyada oo aan wax mushaar ah qaadan, hayeeshee Baarlamaanka ay ka maqleen in Ciidamada mushaar la siiyay.

Arrintaan ayaa kusoo aadeyso xilli Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu mar kasta sheego in dowladiisa ay ku guuleystay bixinta mushaarka ciidamada Dowladda Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here