Taliye Xijaar oo xilka ka qaaday taliyihii booliiska Boondheere

taliye najiib carab

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed General Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa sheegay inuu xilka ka qaaday Taliyaha saldhigga booliiska degmada Boondheere Najiib Carab, oo askari ka mid ah ciidanka hoos yimaada uu xalay dilay laba qof oo shacab ah.

Allaha u naxariistee labada marxuum ee la dilay, ee dhaliyey kacdoonka shacabka Muqdisho, ee maanta ayaa kala ahaa. 1- Marxuumad Madiino Cabdullaahi iyo Xasan Cali Cadaawe oo labaduba deganaa degmada Boondheere.

Xijaar, oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho, ayaa sidoo ballan-qaaday in hadda kadib lala xisaabtami doono taliyayaasha askarta ay xukumaan dhibaatada u geysanaya shacabka, oo isla xisaabtanka aanu ku ekaan doonin askariga dambiga gaysta kaliya.

Taliye Xijaar ayaa dhinaca kale sheegay in gacanta lagu hayo askarigii xalay labada qof ee shacabka ah ku dilay magaalada Muqdisho, taasi oo horseedday carada iyo dibad-baxa ay shacabka ka dhigeen magaalada.

Xijaar ayaa dhanka kale ku celiyey “in aan la qaban karin dadka hal halka iyo labo labadda ugu lugeynayo gudaha magaalada, inta lagu guda jiro waqtiga Bandowga.”

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa maanta ka dhacay dibad-baxyo rabshado wata, ayada oo carrada shacabka ay u muuqatayinay ku wajahan tahay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kaasi oo sawiradiisa lagu gubay magaalada.

Dadkaan careysan ayaa sidoo kale ku dhawaaqayey erayo ka dhan ah madaxweynaha oo ay ka mid ahaayeen “Farmaajo ha dhaco, guba Farmaajo” iyo kuwa kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here