Taliyihii Ahlu Sunna ee Guriceel iyo ciidamo uu wato oo ku biiray dowladda

Ciidan soomaaliya

Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in taliyihii ciiidanka Ahlu Sunna Waljamaaca u joogay degmada Guriceel, Cabdul Daahir Rooble iyo ciidamo uu wato ay ku biireen kuwa dowladda Soomaaliya.

Taliyahan ayaa lagu soo warramayaa in xalay uu gaaray gudaha magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug, iyadoona ay halkaasi ku soo dhoweeyeen saraakiisha ciidamada dowladda ee ka howlgala gudaha magaaladaasi.

Cabdul Daahir Rooble iyo ciidamada kale ee la socda ayaa tan iyo markii ay dowladda Soomaaliya la wareegtay Guriceel ku sugnaa duleedka waqooyi ee magaalaadaasi, gaaraan ahaan deegaan 30 KM u jira degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in askarta uu watay sarkaalkan ay qeyb ka yihiin ciidamadii Ahlu Sunna ee dhowaan isaga baxay degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here